Dhegayso…Degmada Marka oo lawareegay Maleeshiyada beesha Habargidir oo Dharka iyo Hubka ciidanka Xooga dalka wata.

6
399

hoogaKadib dagaal xoogan oo saaka waaberigii hore ay kasoo qaadeen deegaanka Shalanbood ayaa waxa maleeshiyaad taabacsan Beesha Habargidir wadatana dharka iyo qalabka dagaal ee Ciidamada xooga Dalka guutooyinkiisa Shanaad iyo Lixaad usuura gashay inay gacanta ku dhigaan degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamadan ku labisan misna ku qalabaysan agabka ciidamada Xooga Dalka Soomaalkiyeed ayaa hadana waxay daacada u yihiin beesha Habargidir waxayna waqtigan gumaad aan loo aaba yeelin ku hayaan dadka degan xaafada BuulaJaan iyadoo weli xaafadana ay ku sugan yihiin maleeshiyada beesha Biyomaal waxaana weli la maqlaayaa rasaas goosgoos ah waxaana haatan Hawada ka maqan isgaarsiintii magaalada.

Dhanka kale waxaa qabsashada Maleeshiyada Habargidir ay qabsatay Marka ku faanay nin magaciisa ku sheegay Cabdulaahi Qaliif Rooble oo horay u ahaa Burcad Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade waardiyaanayaashiis.
Halkan ka dhegayso

 

Unknown Album

6 COMMENTS

  1. waa arin lagu farxo in aan aragno ama aan maqalno maleeshiyaad Taabacsan Habar gidir
    Tuutaha iyo Qalabka Dowladana wataan maxaa yelay waa marqaati in Dowlada ama Habiye iyo Reysul wasaaraha dowlada ay isla wada og yihiin. Dadka Reer Gobolka Sh/ Hoose wixii idin Banaan aad sameyn kartaan sameeya waa sidan jiwabta Dowlada waxaana meesha ka Muuqata in aan Dowlad wax la yiraahdo aan jiri Hadey jirtana kaliya u jirto Bulshada degta Goboladan 6 da ah xadaba Habar Gidir Hadii soo Rogaal celisay Qaabka ugu xaboon oo Dhulkaan Looga saari karo waa in lagu tala Galaa mise xadalkii ahaa ninkii Dhoof ku yimidaa Geeridu dhibeysaa Durka Gala Jidadka Gala midooba hana u aaba yeelina saqiir iyo kabiir isku si u arka dowlad iyo wixii xadalkeeda qada isku mid ka dhiga siidii waa ka kow mise Garees xirta. ogadana qofka maanta marka sidan ku Galay wanle weyna bob ka geystay berito waa baydhaba ogaada ama Ha ogaanina oo dowlad dowlad meesha ku haya

  2. waan ka xumahay in kuwan hadalkooda webka daafeed laga soo daaayo. dagaal naf la caar ah ayay beeshaan wadaa, hada ayuu meeska imaaday, dagaal hada iyo wixi ka danbeeya, waayo muqaawada gobolka waxa ka horjeedaaa amison, unsom, dowlada iyo beel hada bay wax kala cadaatay, nafta ha laysku xiro, min wanleweyn ilaa marka wax iscaabinta way socondoontaa, marka la qabsaday ama w/weyn micno ma lahan, horay ayay u haysteen, balse waa xilliga dib u xoreynta gobolka, waxan uga baqayaa beesha gare, gedo, jiido, tunay inay ku soo biiraaan oo dhinacooda muqaawada ka wadaan.

  3. asc waxaan leenahay allah qaboojiyo dagaalkan waa nisiib daro wllhi 24yrs aftar in qabiil la isku dilo waxaan dhihi lahaa dhalin yarada soomaaliyeed hurdada ka kaca dhalintii waxaa laga dhiga kuwo is qarxiya & kuwo qabiil la iskugu diray allahyw naga soo gaaar yaaa rabi

  4. ASALAM ALAYKUM W.WA B.
    Q.HAL XAL HAARAAN AH MAXAY SE DHASHAA ?

    ADUUNKA WAXA DADKAAN LAGU CADAABAYO MA ARKAAN IN DULMIGA LAGU JAASINAYO ADUUNKA SOO MA ARAGTAAN.

    INNAHUM LAFII DHALAALI MUBIIN.

  5. War Habargidir umabaahna dowlad ama garab dowladeed.

    Biyomaal iyo waxlamida habargidir iskama dhicinkarto

    Raisalwasaare kusheegaa dagaalka hurinaya kuna tababaraya meleeshiyo beeleed biyomaal sheegta asagoo ugu daneenaya waxuu ugu yeero Jubba

  6. Marka iyo shabeelada hoose afar tikniko iyo 30 wiilaa intey gacanta kudhitaa laleeyahay habargidir ama ciidan dowladaa nasoo weerartay………jareerka aan sida loo hadlo aqoon ee yariisoow labaxay iyo kuwuu wato soo cidan dowladeed iyo gudoomiye dowladeed maahan??

Comments are closed.