Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisoow, ayaa goordhaweyd beeniyay in Magaalada Marka uu dagaal ka socdo sidoo kalena laga saaray Magaalada Marka oo gacan ku haynteeda lagala wareegay.
Guddoomiye Yariisoow wuxuu sheegay in ciidamadiisa iyo isagaba ay ku sugan yihiin gudaha Degmada Marka, dagaalkana uu ka dhacay duleedka Magaaladaasi.
Wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray jiritaanka wararka ku aadan in Dagaal Magaalada uu ka dhacay, waxaana uu sheegay in Dagaalka uu ka dhacay Meel lagu magacaabo Shinga Libi iyo Buufoow inta udhaxeysa, balse Magaalada Marka gudaheeda xabad aysan ka dhicin.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
yariisow mobil
Daafeet.Com
gudomiyahha hadalkisa waa run. nimankaan magaalo ma dhax geli karaan in ciidan deegaanka joogaan, marka idaacadaha ayaa dicayada fidinayaa iyo odey beeleed. wayna soo jabi doonaan.
Comments are closed.