“Whenever this man opens his huge foul mouth, he confirms to our suspicion that the man is empty and hollow upstairs”
Sida dad fara badan oo reer Koonfur Galbeed waxaan ku taxanahay ama aan booqdaa maalin walba warbaahinta K/G si aan macluumaad sax kuna saleysan runta aan ooga helo.
Maanta waxaan ku arkey barnaamij nin isku magacaabey “Amaandhoorey” ooga hadlaayo arimaha K/G. Runtii daawashada barnaamijkaas waxuu ahaa waqti iga lumay oo aan ka shalaanayo. Balse hadana waxuu ii ahaa mid ii siyaadshey aqoonta aan u lahaa ninka hadlaayo. Marnaba madoonaayo in aan ninka hadlaayo shaqsiyadiisa weeraro oo aan isaga camal noqdo. Mida kale madoonayo inaan wax ka sheego abuuris Alle iyo daryeel xumada inooga muuqata afka lagu caynaayo madaxda iyo shacabkooda. Saa daraadeed waxaan si toos ah uguda galayaa falanqeynta ama faaqidaada barnaamijka. Falanqeyn walba (analysis) waxay u baahan tahay dhawr sharuud:
Waa kumaa shaqsiga amuurta ka hadlaayo? Ma u saaxiib baa amuurta uu ka hadlaayo? ama ma u leeyahay aqoon ama waayo aragnimo durugsan amuurta uu ka hadlaayo? Ninka la yiraahdo Amaandhoorey muxuu ka yaqaanaa amuurta uu ka hadlaayo oo ah Taariikh, siyaasad iyo maamul? Marka laga reebo inuu isu baxshey aqoonyahan ama Dr. oo labaduba uusan ahayn iyo inuu caadeystey inuu aaladaha isku amaano wax kaloo aqoon ama waaya aragnimo uu leeyahay ma jirto haba yaraatee.
Ma yahay ruuxa ka hadlaya amuurtaas ruux dhexdhaxaad ah & laguna kalsoonaan karo (impartial, objective and credible) Amaandhooreey aqoon xumada & waayo aragnimo la’áanta mawdhuuca uu ka hadlayo waxaa u wehliyo inuu si cad oogu jeenjeero hal dhinac isagoo lagu tuhmayo inuu jeebka oogu jiro cadawga koowaad ee ay leedahay K/G iyo Shariif Xassan.
Taas waxaa sii dheer in Amaandhooreey uusan waxba kala socon isbedelka xaalada siyaasadeed ee soomaaliya iyo dawaladnimada. Waxaa ka muuqata hadaladiisa in faham daro xun ay ka heysato micnaha dawladnimada sida ay faham xumo baán ay ooga heysato anshaxa iyo nidaamka warbaahinta iyo wariyanimada. Tusaale, waxaa cad in uu kala garan waayey shaqsiga iyo dawladnimada oo uu isku qaldayo kana dhigayo dawlada dhexe ee federaalka Soomaaliya in ay tahay hanti uu leeyahay qabiil sida hawiye/daarood ama shaqsi sida Xassan Shiikh. Marka garaadkeena & garashadeena intaa ay gaarto waxay shaki laáan sababeysaa inaan u hadalno sida guracan uu u hadlaayo ninkaa.
Mida kale garasha yarida shaqsigaan waxaa u daliil ah inuu isbarbar dhigaayo Dawlad Goboleedka K/G ee xalaasha ah oo ku timid rabitaanka shacabka cid dafiri kartana aysan jirin iyo wax nin iyo walaalkii ay dhoodhoobeen cadawga reer K/G na ay ku taageerayaan. Walow hadana laga dheehan karo hadaladiisa inuu ku fashilmay buunbuuninta fikrada guracan ee Shariif Xasan uuna hadeer uu dib ka dareemay in aysan jirin cid ka hor imaan karto guuxa shacabweynaha reer K/G.
Waxaa iigu yaabka badneyd marka uu talada ama xalka shacabka uu u arkey in duurka la galo oo la dagaalamo. Yaa lala dagaalamaa? Cadawga oogu weyn eey leedahay K/G waa caada qaate u dhashey wadanka oo asaga camal ah. Wuxuu rabaa hadhaw inuu meelaha ka yeeryeero uu yiraahdo shacabkii baa laleynayaa. Waxaa haboon inta aadan dagaal iclaamin inaad ogaataa qadiyada aad u dagaalameysid. Marka labaadna aad baadi goobtaa wada walba oo xal aan dagaal ahayn lagu gaari karo.
Gunaanadkii waxaa lagama maarmaan ah in la faham siiyo shaqsiyaadka noocaan oo kale ah oo ismoodey waxaysan ahayn isna siiyey awood aysan lahayn, in K/G ay mandate ka heysato shacabka ayna ku timid waddo xalaal ah oo ku saleysan dastuurka. Waa inuu ka waantoobaa aflagaadada iyo fakarka gurracan uu caadeystay in asaga iyo aaladaha uu adeegsado ay ku weeraraan aayaha umadda ay ka dhasheen. Ha ogaado in waayaha & waqtiga kii hore uusan ahayn, shacabkana kii shaley ahayn. Hurdada haka kaco oo ha ogaado in jawaab cad laga bixinayo hadalada aan loo fiirsan uu iska hadlayo. Habase ogaado xitaa hadii loo baahdo in loola sii dhaadhacayo meesha hoose uu ku sugan yahay ee maangaabnimada ah.
W/Q: Mad Aliyow
Qofwalba Wuxuu Illah Ku,Maneystey Wax Ugaar Ah.Hadaan Fiirsho Dr Amaandhoorey Iyo Ninka Isku Magacaabey Mad Aliyow Waxaad Kala Saarantihiin 2Wado M,Aliyow Waxaad Ka,Hadashey Qof Aragtidiisa,Drkana Dhibaatadey Soomareen Umadda.Waaruntiisa Drka M.aliyow Marka Waa Laqabsadey Maxaa Udiyaarsan umadda Idaale Xitaa Maqabsan karaan Maamulada Isdiidan.M.aliyow Waa Inaad La,Imaad Fikrad.
waxaa Dad Badan Ku Wareersanyihiin Siyaasad.Abwaan Kgs Wuxuu Yiri.Ta adiiyoow Lahawkaa Tigaadey Dheregtaa tabtooy Ma Hanagshooodaa Talahumiineed Shilaaykaa.Hoo tartiib Igroogifadey Shaley Jidkaa Mitoosanaadi Fadnee Geegi Amee Tikidkaa Ma Gooyifade. Intaas Ku Macneeyso Mad Aliyow.Siyaasda Waa Intaas.
sida runta ninkaan la yiraahdo amaandhooreey ee website iska leh iyo kan kale la yiraahdo abowasharow lama soo koobi kara aflagaadada iyo waxyaabaha beenata ay ka sheegeen kacdoonka shacabka iyo madaxda koonfurgalbeed iyadoo ay cadahay in shariif sakiin ay ka qaataan lacag si ay u wiiqaan waxyaabaha runta ah ee ka jira koonfurgalbeed marwaxay ku sheegeen golaha guurtida in ay yihiin dad is magacaabay iyo aflagaadooyin badan ee aan la soo koobi kar ain oo weliba been aand raad lahayn ah hadalada inta badan ay ka sheegaan shucuubta degata koonfurgalbeed hadaba maxaa la waayey labdaan tuug cid runta u sheegta ee la xisaabtanta ee ku nool wadanka ay joogaan aawaya jaaliyada koonfurgalbeed ee swizz khaasatan reer digil iyo mirifle aduunka maanta sharci ayaa jira qofna iskama sheegi karo wax aan jirin weliba loogu gunleeyahay shacab ayaahooda in been laga sheego maxaa la waayeey qof ku dacweeya sharciga maxkamada police ka ee dalka swizz mise hadaba waxaan ku war gelineeyna jaaliyada swizz in ay ka soo baxdo kaalinta kaga aadan hoowshaas ee tuugada meesha la degen ee beenta iyow ax aan jirin ka sheegaan madaxda iyo shucuubta koonfurgalbeed wxaa la heli karaa xawaalda ay ku qaateen laaluushka sakiin u soo diray labada tuug
Comments are closed.