Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo saaka shir gudoominayey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen gudiyadda Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya dadka walaalaha ah ee maalmihii u danbeeyey kasoo cusboonaaday gobolka Shabellaha Hoose.
Shirkan ayaa Gudiyaddu waxay ku lafa gureen xaalada murugsan ee ka taagan gobolka Shabellada Hoose. Kadib markii ay xukuumaddu heshay xog sheegaysa in magaalada Marka ay saaka markale dagaalo ka dhaceen.
iyadoo laga jawaabayo xaaladaas deg dega ahna, waxaa xukuumaddu go’aansatay qodobadaan hoos ku qoran:
1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2014, dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay joojiyaan xabadda iyo colaadda.
2. In si deg deg ah looga saaro dhammaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan goobihii lagu diriray laguna wareejiyo ciidanka dowladda.
3. In mas’uuliyadda amni ee magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose ay si deg deg ah ula wareegaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.
4. Si loo fuliyo howshaas deg degga ah, waxaa magaalada Marka tagaya wafdi sare oo ay hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Wasiirka Gashaandhigga ahna sii haya Wasiirka Amniga Qaranka.
5. Waxaa laga dalbayaa Taliska Ciidamada AMISOM in ay gacan baaxad leh ka geystaan xabad joojinta iyo xasilinta amni ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolka shabeelada hoose nasiibo daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo colaado soo daashadeen.
Daafeet.Com
Ninkan waa part of the problem ,Solution shaqo kuma laha waa Qowda maqashi waxna ha uu qaban , shakadisu waa lala socda Somaliya wax fa’idoah uma tagin,asaga iyo reer Muqdisho mar dhow wey is arkayan isha allah.
adeerayaal waxaan idinsheegaya haddaan ladagaalamin nabad lamahelayo , geeri diidow guulkaadheer, eemisa ayaa in yaro dad ah ka guulaysteen in badan ilaah idinkiisa, inshaa’allah waa laguulaysan doonaa kutusaala qaata RRA, meeshay wax kazoo bilaawday iyo meeshay ay gaartey , cadawgii kusooduulay inuu kacararo maydkiisa , uusan dib usoo hawaysanin waa guushii RRA, BIYAMAAL IYO INKALE EE REERK/G GARABKA HALISQABSADO WAAD GUULAYSANDOONTAAN.
kkkkk ciidamada dowlada ay sheegayaan waa kuwee waxaa fican in la shishoodo oo si masuul nimo loo xadlo Gocaanada ay Gaareen waa kuwo dhiiri gelinaya kuwa Duulaanka ah waana wax laga xumaado ee reer marka iyo Guud ahaan Reer G/ Shabeelada Hoose masuuliinta waa in si cad uga soo Hor Jeesataan Gocaankaas ama Gocaanadaas dhamaantooda waa hiilo cad Diidnay
Comments are closed.