Baaq Ku Wajahan Shacabka Kasoo Jeeda Gobolka Shabeelada hoose

2
69

baaqAnagoo ka xanuunsaneyno dagaalada soo noqnoqday ee ka socda Shabeelda hoose, ugu horeen waxan u tacsiyeynanaa, dhamaan intii ku dhimatay oo shacab iyo dadka xaqooda u halgamaya iyo cidkastoo xaqdaro lagu dilay dhinicii ay doonaan ha ahadaane,ilaah Ha iidin naxariisto kuwa ku dhaawacmayna ilaah ha caafiyo, kuwa ku baro kacayna ilaah ha amaansado.

Intaas ka dib ,waad aragteen sida tuulooyinka loo gubaayo dadkii loo barakicinaayo , waad arkeysaan hubka iyo ciidanka dowlada oo aan wada ognahay cidaha ay yihiin , waad ogtihiin in leydiin diiday in aad ka mid noqotaan ciidankii dowlada soomaaliyeed oo aad xaq u laheydeen, waad ogtihiin 25 sano waxa leydinku hayo , waad ujeedaan maanta ama waad maqasheen 7 beri dagaal xiriir ah oo ay wadeen ciidanka xamar ka sooduulay oo marna guuto 5naad ,6aad ah oo dowlada ka tirsan mushaar ka qaata, hubka sanada iyo rashinkaba ay siiso besha calamka dowladana loo soo marsiiyo ay maanta gumaadayaan shacabkii soomaaliyeed ee rer Shabeelad ahoose, in ra iisul wasarihii manta markii marko ay qabsadeen ciidankiisa uu ku dhawaqay in gudi asiiro ah loo dirayo si loo nabadeeyo gobolka halkii uu ka aamusnaa markii ay umada rer shabelda hoose dhiig baxayeen iyo shacbii soomaaliyeed ee gobolka ku noolaa oo barakacaayey in maanta uun hadlo waad dareemi kartaan , waad ogtihiin Madaxweyne xasan markii laga codsaday in uu joojiyo dagaaldan ay wadaan dadka isaga is xigaan ,waxa uu ku jawabay, waad ujeedaan waxa manta idin haya waliba xiligaan , Kow waxaan iidnku baaqayaa sabra waad gareysane , waad u jedaan soo duulayasha in ay dulmi ku sabrayaan marka maxaa diiday in xaqa lagu sabro.

Markan intaan ka soo gudbo walaalayaan waxaan si toos ah ula hadlaynaa , beelaha wada dagaalkan , oo ku saleeysan dhul boob, isbaaro iyo xukun , walaalayaan soomaaliya manta ma joogto 1991kii , waad aragteen dhiiga iyo qasaraha uu leyahay dagaal, waad arkeysaan waxa maanta soomaaliya ay ka joogto aduunka intiisa kale, hadaad rabtaan in aad ku noolaataan nabad waa in aad aqbashaan nabada , shabeelada hoose cid soomaali ka celisay ama waligeed ku cunsuriyeysay ma arag mana maqal lakin waan maqlay in gobolada kale ee soomaaliya badankkod aan xitaa lacagtada aadan ku iibsan karin guri aad ku noolaato, waad ogtihiin in shabeelada hoose aad ku soo gudubteen xiili aad u dhibaateysneydeen, waxaa xusid mudan in sablaale iyo kurtuwarey ilaa manta laga helayo dadkii abaartii daba dheer oo aanq arkood saxibo nahay oo mesha ku dhashay abaarta ka dib markii waalidkooda halkaa imaadeen , Raxweyn waxa ay tiraahdaa ,..ABAAR BAHASE EEBAA REEBAASA, rer shabeelada hoose maahin sidii hore idinkaa tusay ficilka iyo dhul jaceylka , waxaan aragnaa in maanta dhulkiina asalka ah aad ku heshiin la dihiin hal maamul , cadaado oo degmo ah waa maamul goboleed anoo ku amaanaya in ay dadkooda nabadeyeen dadka dariskoodana ahna ka amaanheleen, guri ceel uu tuulo ah waa maamul , gaalkacyo oo xafad baraxleey iyo tuulooyinkaloo hoos imaada waa maamul goboled aad tiraahden, marka hadii ad heshiin weydeen anaga aad noola imaateen waxa aad ku heyseen dhulkiina, anaga idin kama yeeleyno dowlada ha idin taageerto qabiil weynihin kale ee Hawiye ha iidn taagro , waxaan idinku baaqayaa hadii aad rabtaan in aad dadkaan gobolka dad idinka qabiilkiina kaoso jeeda ku noolaadaan soo dhawada lakin ha sugina in marnaba leydin yeela waxa aad ku hamineeysaan, ogaada geridu waxa ay dhibtaa ninka dulmi wada inta adan ku halaagsamin ka towbad keena idinkoo shacab ah aadaab leh la noolada walaalihiina gobolka deegaan ahaan u leh .

Rer shabeelda hoose dagaalka waa bilow, hadii maanta biimaal la qabsado uu quursado ogaada afgooye horaa loo heystay , Daafeet inta ka harsan waa la lahaan, awdheegle iyada markey ku qalntahay, qoryooleyna way dhadhamin doontaa ciqaabtii hore mid ka xun , Baraawe, Kurtuwarey , iyo sablaale ,intuu shabaab jooga isku daya in aad idinka ka xoreystaan hadii cidanka Muqdishio ee hawiye xoreeyaan haku tashanina

Baaqa jaaliyada EU ee rer shabeelada Hoose

2 COMMENTS

  1. waxaan la yaabanaa ma aragteen
    waa kaa war kaan siday
    waa yaabanahee dad yahaow idinkuna ma ila yaaban tihiin

  2. waa fikrad macquul ah lkn halugu taageero dadka jecel iney xurnimo ku heystaan dhuulkooda. 20kii sano ugu dambeeysay baa dad xoog ku so dagay sh/hoose, hadane waan leenahay dhuulkii masocaneys. geesinimo ku dhinta.

Comments are closed.