Madaxa Golaha Imanada Dalka Kenya Sheekh Maxamed Idiris oo Maanta lagu diley Mombasa

0
100

SHEKH MAXAMEDMadaxii golaha imaamyada dalka Kenya Sh. Maxamed Idiris ayaa lagu dilay goob lagu magacaabo Likoni oo ka tirsan Mombasa, iyadoo ruuxa falkan fuliyay uu ahaa qof aan la aqoonssan sida ay ku warameen dad goob-joogayaal ah.

“Idiris waxa uu  ku  socday salaad subuxa waxaana lagu toogtay meel aan wax badan ka fogayn gurigiisa, dablay hubaysan ayaana dilka fulisay,“ ayuu yiri Nelson Marwa oo  xil sare ka haya degmadaas ,isaga oo xusay in ay socdaan baaaritaanno lagu raad-joogo dadkii gaystay dambigan.

Walaalka la dhashay Sheekha la dilay oo lagu magacaabo Cali Idiris ayaa sheegay inuusan cidna ku eedaynayn falkan ,balse uu aaminsan yahay baaritaanada ay wadaan laamaha amniga ,isagoo tilmaamay in ilaah uu ka abaal-marin doono qolyihii dilay walaalkiis.

Sheekh Idiris ayaa ka tagay afar xaas  iyo  25-caruur ah, wuxuu ka mid ahaa culumo  horey u qaadacday arimaha xag-jirnimada in dhalinyarada Kenya lagu baro goobaha lagu cibaadaysto gaar ahaan masaajidyada.

Daafeet.Com