Alle baa mahad oo dhan iska leh, allihii naga dhigay qowmiyo af, deegan iyo dhaqan ahaan kala gedisan, si ay isku aqoonsadaan. waxa ugu kalifay in qormadan qoro, dulmiga tan iyo 1991 ee lagu boobayo gobolka
shabeelaha hoose oo aan cidna uma maqano, alle mooye, dadkisana hurdaya ayagoo moodaya in aamusnaan xaqooda ku heleyaan. waxay horay loo yiri: Nimco qofkeeda ma arkayo, qof ka dheer ayaa arka.
dadka deegaan ma oga in deegaan wanaagsan oo nimco ka buuxdo ay haystaan, oo nimcadaas darteeda lala dagaalamayo. beertaa soohin bay leedahay , nabad ku falo, caafimaad ku cun, dariskaa aamin waaye, ……iwm
waa sheekada dadka deegaanka isku maaweeliyaan, oo aan aragti dheer laheen oo xaqiiqda ka fog.
Balse riyada dadka deegaan meesha ayaa dharaar cad ka baxday, muddo ka badan 24 sano ayaa si xoog ah loo qabsaday deegaankooda, la dulmiyay, guryahooda la gubay, ganacsatadooda iyo geesigooda la dilay.
Inta aan guda galin cinwaanka maqaalka waa inan qodobadan soo socda si kooban u tilmaamaa
Qaabkee baa dadka deegaan loo siray ka dibna loo qabsaday?
Markuu siyaad bare iyo dadkiisa laga soo saaray waxa soo aaden dhoinaca gobolka sh,hoose, afgooye, wanleweyn ayay ayaga iyo dagaal-ooge caydiid ku dagaalameen. dadka deegaanka waxay qaar la safteen caydiid, markay arkeen arxandarada maleeshiyada siyaad bare oo shacabka gobolka dhib weyn ku hayay, dagaalkii ugu danbeeyay ee loogu racdeeyay maleeshiyaadka s.bare wuxu ka dhacay w/weyn. maalintii dhacaayay aniga goob joog baa ka ahaa, caydiiod wuxu ku sigtay in la qabto oo u gacan galo siyad bare, balse waxaa badbaadiyay geesiyaasha shantacaleemo.
Dagaalkaas ka dib dadka deegaanka iyo mooryaanta- salbalaar aya ku heshiiyay in magaca salbalaar lagu shaqeeyo, baabuurta dagaalka ee beelaha deegaanka la buufiyo ( buufiska wuxu aha astaan lagu garto in baaburkaas salbalar leedahay). mooyaanta caydiid waxay bilaabeen in geesayaasha saran tiknikada dadka deegaanka dilaan, kuna andacooda xabad baa ku fakatay!!! mudo ka dib baabuurtii baa lagala wareegay dadka deegaanka.
Geesayaasha dilkooda waxa ku xigay in ganacsatayaasha iyo odoyaasha la handado oo lacago baad ah la waydiisto, kii diidana la dilo, kii xoolo badan iyo ciidan leh lagu tuhumo inuu xiriir la leeyahay RRA. dabadeedna in la weeraro oo la eryo.
Intaas oo dhan ujeeda laga lahaa wuxu ahaa in gobolka la qabsado, dadka deegaanka 3qeyb laga dhigo: kuwa ayaga la shaqeeya, kuwa aamuusa, kuwa la dilo ama ay cararaan.
Rajada dadka deegaanka ay ka sugaayeen dowladii abdiqasim, sharifka, tan hada jirto intaba waa laga quustay, balse waxay dib u soo celsheen oo taageeren kuwa dhulka dadka deeganka dhacaaya. maamulka hada jiro waa mid ayaga so dhiseen oo dad weynaha iyo umada soomaaaliya lagu marin habaabiyo, ma ahan mid dadka deegaan ay soo doorteen, waa barnaamij gumaysi oo dhamaystiran oo garab haysta.
Hadana dadka deegaankana sidoo caydiid u kala jabiyay aya loo kala qaybiyay, kuwa gudoomiyaal magac ah ayuu loo dhiibay, kuwo baarlamaan been
ah ayaa loo dhiibay, kuwo wasiiro magac ah aya loo dhiibay, magac ciidan dowladeed ………………..iwm.
Arinta aan sheegay waxa u marqaati ah in wasaarada gaashaandhiga wasiir iyo wasiir ku xigeen ka yihiin dadka deegaanka gaadiidka wasaaradana lagu laynayo dadka deegaanka, xitaa ma aboodaan inay is calisaaan kolay xilka waa laga qaadayaa, sharaf inay kaga tagaan ayay aheyd.
Gudoomiyaha waa dadka deegaanka, maamul goboleedka shabele state oo qaab sharciyaysan lagula wareegayo gobolka waxaa madax ugu dhigteen ninka calooshiis u shaqeysta oo dadka deegaanka. w/weyn iyo marka oo wax iska caabin ka jirto, taaso logu soo horjeedo joogitaan mooryaanta soo duushay, waxa laga dhigay niman shabab ah, si loo marin habaabiyo caalamka iyo amison, oo mooyaanta xamar dhaqaalaha loogu jaran.
dilka odoyaasha biya-maal waxay daliil cad u tahay waxan sheegayo.
Reer shabeelaha hoose kolay dhibka mooryaantan wuu nawada haystaa, beel gaar ah looguma danlee, ujeedka beesha boobka caan ku eh waa in degmooyinka gobolka oo dhan ay boobaan weeye. taasi waxa daliil u ah oday dhaqamedyadoda iyo siyaasiyeeda warbaahinta ka cadeeyay in boqolkii sideetan 80% dadkooda degaan, digilka iyo biyo maalna ay ka yihiin maaynoorati, maantana caasimada gobolka qabsadeen, aniga waxaa ugu baaqayaa reer sh,hoose inay midoobaan, hal ciidan samaystaan, hal hogaan, faro wadajir bay wax ku gooyaan, digil-mirifle iyo dir u midoobaan difaacida gobolka, ridida madaxweynaha xasan sheekh, kuna heshiyaan istiraatiiji in dalka soomaaliya madax ugu noqdaan, amison ayaa joogtaa, xamarna waa laga maarmaa, ee dhulkena ay dib u xorayno, odoyaasha, aqoonyahanada, dhalinyarada, siyaasiyiinda dhamaan waa inay wada shaqeeyaan.
Qormadayda waxan ku soo gabagabeenayaa xoogu midnimada ayuu ku jiraa, daciifnamadana way ku jirtaa kala qubsanaanta.
Cadowga gobolka ha jabo, mark la qabsaday wax uma tarto, basle carada dadka deegaanka ayay kicisay, waxan arki doonaa ayagoo caanaha iyo qudaarta laga jaro, gobolka laga mamnuuco, daag ahaan, waayo mahan kuwan dad la soo dhaweysta. Soomaali ayaga kala geeyay, guryihii umada soomalida ayay boobeen, hadana gobol oo dhan ayay rabaan, laakiin wax xun baa ka raaci doonaaa. dadka deegaanka ha sii wadaan kacaanka dhinaca xabada, afka, nafta, xoolaha, waxan dhalanay anagoo xur waxan dhiman anagoo xur ah.
allahum yaa mujaaba dacawaad, ahzimi daalimiin, wansurnaa calaa man dhagaa calaynaa. aaamiin.
Daafeet.Com
anigu jawabta su,aasha midnimo inay adagtahay, dhibka gobolka lagu hayo waxa u wacan kala daadsanaan, arintana ka weyn dadka deegaanka, waayo waxaa dagaalka hurinayo shirkado ajaanib oo doonaya in kheyradka dadka deegaanka dhacaan.
qoraagan arigtida gaaban leh maha ayaad dagaal ku baaqee elaay yaa uga xun muqdishaa laydinka ssoo cayrinaa mar dambe aabahaa kama dawarsan doono xamar
Comments are closed.