Wasiirka gaashaandhigga ahna ku simaha wasaaradda amniga Qaranka, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan deegaannadii lagu dagaalamay ee gobolka Shabeellada Hoose.
Socdaalka wasiirradan ayaa imaanaya kaddib kulan deg-deg ah shalay ay yeesheen guddiga amniga iyo siyaasadda, kaasoo ay kasoo saareen in wafdi wasiirro ay sida ugu dhaqsiyaha badan loogu diro gobolkaas si ay xal uga gaaraan colaadda ka jirta.
Goobaha ay tegi doonaan wasiirradan ayaa waxaa ka mid ah degmada Marka oo ah xarunta gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Lambar 50 oo isna uu shalay ka dhacay dagaal khasaare nafeed sababay oo socday muddo shan saacadood ah.
Degmada Marko iyo deegaanka Lambar 50 ayaa daggan saaka, inkastoo shacabka ku nool goobihii lagu dagaalamay oo dhan ay baqdin ka qabaan inay dagaallo kale dhacaan, iyadoo aan la ogeyn sida wasiirradan ay go’aan uga gaari karaan colaadda taagan.
Daafeet.Com
MAXAY TAGAYAAN WABA LAGU QAADACAY XILDHIBANADA GOBOLKA OO DHAN AYAA KASOO HORJEESTAY QAABKA AY WAX U WADAAN WARKAAS WAXA KA SOCONAYO MA JIRAAN
waxaa ay utagayaan waa la ogyahay waxaa weeyee, insy dhahaan waxaan qabanaynaa dib u heshiisiin, adeer, dhaibkA XAGIINA AYUU KASOCDAAN,laakiin waxaan filayaa beesha biyamaal inay garandoonto, ee yaanan laydinku kedin heshiis iyo wax aan meel saarnayn
waxaan idin xasuusinayaa, halkudhigii ilaahay haunaxriistee, aasaasihii RRA col..shaati gaduud ee ahaa sida :
( WIXII XOOG LAGUQAATO XOOG AYAA LAGU SOOCELIYAA ).inagana ducada ayaan idnku daba wadnaa, ilaahay haidnka guulsiyo.
BAAQ:beelaha kale ee kunoo;l G/SH. dagaalkan yaan lookalaharin ee yaan laagu fiirin Beesha Biyamaal keligeed, waxaan hubaa in lagu laysaandoono, inshaa’allah.
Comments are closed.