Wixii Xunba Xaawaa Leh! Dagaalka Shabeelaha Hoose oo Shabaab Loogu Mar Marsiyoonayo Iyo C/qaadir Siidii oo Noqday Aalada Loo..

1
105

xaawoWaxaa dunida caadi ka noqotay ku mar marsiyooshada waxa loogu yeero (La dagaalanka argagaxisada) si loogu fushado arimo badan oo aan wax raad iyo lug ah ku lahayn argagaxiso.

Xarakada Alshabaab waa urur hubeysan kanasoo horjeeda dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxa ayna dagaalo ka wadaa qaybo badan oo dalka Soomaaliya ah ayada oo mararka qaarna weeraro ka fulisa dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Cidii jecel la dagaalanka Shabaab dabcan weli waxa ay gacan ku haysaa deegaano dhowr ah oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa ayna ugu tagi kartaa meelahaas oo umaba baahna inay Shabaab meelo kale ka raadisaa!

Waxaa wax lala yaaba noqotay hadaba kadib markii gobolka khayraadka Eebe ku maneystay ee Shabeelada hoose uu noqday meel dagaalo joogto ah iyo weeraro kaga imaadaan dhanka ciidamo beeleedyo ku hubeysan gaadiidka dowlada Soomaaliya si ay awood ugu maquuniyaan dadka deegaanka islamarkaasna ay xoog kula wareegaan halkaas.

Hadaba waxaa nasiibdaro noqotay kadib markii maanta ay mooryaan beeleeda kasoo jeeda deegaanada Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud oo garab ka helaya ciidamo beeleed wata magaca dowlada Soomaaliya kuna heyb ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dagaal ku qabsadeen degmada Marka, degmada No 50 iyo deegaano kale ayada oo aysan dowlada Soomaaliya war cad kasoo saarin gardarada lagu hayo dadka deegaanka gaar ahaan beesha Biimaal oo hada noqotay beesha kaliya ee u taagan difaca deegaanada ay ka degto gobolka Shabeelada hoose maadaama beelaha kale mar hore awood lagu maquuniyay raalina ay ka noqdeen dulliga lagu hayo.

Muxidiin Xasan Afrax oo mar sheegan jiray gudoomiyaha ururada bulshada rayidka gobolka Banaadir hadana sheegta madaxweyne kuxigeenka maamulka hawada ku dhisan ee deegaanka Calamada ayaa waxa uu durba maanta lasoo booday inay degmada Marka iyo deegaanada kale qabsadeen dadka deegaanka ayna ka qabsadeen Alshabaab! Wixii xunba Xaawaa iska leh!!
”Gudoomiyaha Marka waa Alshabaab! waxa uu u lebistaa sida Alshabaab! waxa uu u hadlaa sida Alshabaab!” sidaas waxaa yiri Muxidiin Xasan Afrax oo ka hadlayay dagaalada xaqdarada ah ee ka socda gobolka Shabeelada hoose.

Muxidiin hadalyaye oo waxa carabkiisu jecelyahay ku hadaaqyaye aaway gudoomiye ku sheegii gobolka Shabeelada hoose?

Cabdulqaadir Sheekh Maxamed (Siidii) waxaa waa ku magacaabay gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, tan iyo markaas wixii ka dambeeyay waxa uu ahaa gudoomiyaha aan dhicin ee gobolkaas!!! Oo sabab? mar hadii la bedelay gudoomiyayaashii Bay, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo kuwo kale maxaa Siidii ka dhigay lama taabtaan? Talow awood aan la arkaynin miyuu leeyahay? Dhaqaale iyo laaluush miyuu xilkiisa ku xajistaa?
Maya, maya, adeer sheekadu waa ay kaa hoos baxday!
Cabdulqaadir Siidii waa nin fuliya qorshayaasha gurracan ee ay wataan beelaha duullaanka ah ee gobolka Shabeelada hoose dhibaatooyinka ka wada.

Siidii waxaa tiro dhowr jeer isku dayay inay bedelaan odayaasha dhaqanka gobolka Shabeelada hoose ayaga oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii ka horeeyay ee dowladii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed usoo gubiyay talo soo jeedin ah in la bedelo gudoomiye Siidii balse markastaba waxaa is hortaagayay arintaas madaxdaas iyo wasiiro gaar ah oo dano beeleed ka leh maadaama uu Siidii kasoo jeedo gobolka Shabeelada hoose islamarkaasna uu u fududeeyo kooxaha duullaanka ah qorshahooda gurracan.

Iskusoo wada duube, Shabeelada hoose waxaa u dambeyn doona dadka Illaah makaniyay ee boqolaalka sano kusoo dhaqnaa halkaas.

 

 

Daafeet.Com

 

1 COMMENT

  1. Ilaah ka baq dadkana yaan leysku dirin sxb car ii sheeg hal xildhibaan oo hadla sidii waa gadoomiyaheena nin asaga ka siyaasad fiicana mahayno afkabaxdo culeys malahan waad iska hadleysaa sxb madax waxaa noqda qofka madaxda la hashiin kara sida siidi ileen dadkeena wax noo hadlo malahan sidii ayaa ugu ragsan asaga tv iyo raadia ba ka hadlo oo aan baqin cabsi waxay haysaa xildhibaanada odayaashi runta aan iisu sheegno

Comments are closed.