Dhegeyso: Faysal Cali waraabe oo Madaxweynaha Ku Dhaliiley Dagaalka ka Socda Gobolka Shabelaha Hoose

0
46

faysal-cali-waraabeGuddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay warbaahinta ayaa si kooban uga hadlay dagaallada ka socda gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo ku tilmaamay kuwo ceeb ku ah dowladda Somalia ee uu madaxweynaha u yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Faysal ayaa hadalkiisa ku sheegay in dhibaatada ugu weyn ee sababta u ah dagaallada ay yihiin kuwo salka ku haya goboleysi, taasoo ah nidaam dibadda laga keenay oo aysan Soomaali shuqul ku lahayn, waxaana taasi ay sababtay inay beeluhu dagaalamaan si ay dhul u kala qabsadaan.

Guddoomiyaha UCID oo sii hadlaya ayaa sheegay in dhibaatada oo dhan ay tahay mid ka dhalatay nidaamka federaalka ah ee ay dowladda Soomaaliya doonayso inay ka hirgeliso dalka.

 

faysal cali warabe

 

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

 

faysal cali warabe mobil

 

Daafeet.Com