Salaadiinta Aw-Digil waxa ku Ceebta ah ma gartaan?

9
107

ceebGuud ahaan Ummad Ummad-nimadeeda waxaa laga dayaa hogaankeeda(Culimada iyo Umarada) oo hadii ummadu ay hesho hogaan wanaagsan waxaa hubaal ah inay ummadu wanaagsanaanayso hadiise uu hogaanku xumaado waxaa iyana sidaa si lamid ah xumaanaya umadaas.

Hadaba labadan hogaan ee uu Suubanuha Maxamed (SCW) inoo tilmaamay ayaa ah Indhaha ummad ay wax ku aragto,Garaadka ay ummadi wax ku garato iyo weliba Dareenka ay ummadi wax ku ogaato.
Kol hadii kaalinta intaa le’eg ee aynu soo sheegnay ay bulshadu ku dhex leeyihiin hogaamiyayaashan maxaa la gudboon kolka laga hadlaayo inay gutaan waajibaadka ka saaran ummadooda ee ku aadan hogaaminta wanaagsan?

Culimada

Sida aan wada ognahay culimadu iyagu waa dhaxalkii Nabiyada oo waxay hogaan caqiido Diineed ka yihiin Nabiyadii soo kala horeeyay ee caalamkan ALLAHII abuurtay soo dirsaday una soo diray Ummadiis oo iyagu mas’uulayadoodu waxay aad uga saraysaa tan Umarada oo iyagu aad u kooban kolka laga hadlaayo waajibaadka oo hadaan si kale u dhigo Caalamu Diinka waxa uu hogaan u yahay inta caalamka ku nool xilna uu ka saaran yahay inuu ku hanuunka wadada ALLE uuna goor iyo ayaanba u ifiyo wadada toosan ee ummada ALLAHOODA kaga raali noqonayo.

Umarada

Waa qaybta labaad ee uu Suubanuhu inoo tilmaamay inay tiir u yihiin wanaaga iyo xumaha Ummad xilna uu ka saaran yahay ummadaas ay mas’uuliyadu u hayaan balse qaybtan Umarada ayaa iyagu aad u kooban xuduuda howl qabadkooda kolka loo eego kuwii ka horeeyay ee Culimada ahaa oo ruuxa Amiirka ahi waxa uu Amiir u noqon karaa Tuulo,Jufo,Beel,Qabiil,Degmo,Shacab,Gobol,Wadan IWM.

Tanina waxay ku tusaysaa in xilka Amiirka uu goorwalba la talaabo qaado baaxada Dhuleed amada Dadeed ee uu maamulkiisu hoos yimaado ee ku xiran.

Ummada Soomaaliyeed oo iyagu ah ummad isugu xiran qaab Beeleed ayaa waxaa hogaankooda saxa ah(Umarada) lagu tilmaami karaa hogaanka beelaha sida Sulaadiinta,Malaaqyada,Ugaasyada iyo kuwo kale oo leh magacyo badan balse hogaan ahaan isku wada mid ah oo ay wada yihiin hogaamiya-yaal beelahooda.

Hadaba hogaamiyayaasha Beelaha ayaa waxaa aad kaaga muuqanaaya in beesha lagu qiimeeyo hadba sida Hogaankeeda uu isugu duwo beesha una mideeyo misna u horseedo inay danahooda si wadajir ah u qabsadaan taasi oo ah tan lagu garto hogaanka suuban ee beesha amaba bulshada dhalasho wadaaga ah taana waxaa barbar taal beel sida BAL la shafay isu korsaaran waxay qabsato dhaafee cidii wax u qaba tiraahda ku dul kufaysa taana waxaa xaqiiqa ah inuu halkaasi dhigay hogaamiyahooda oo gabay kaalintiisa.

Hadaan intaa Arar kaga haro oo aan u soo daadegto qoraalkayga bal ila qiimee Akhristaha qiimiga iyo qaayaha mudanoo waxa ay maanta ku sugan yihiin Shacabka lix beelood iyo Salaadiintooda oo huwan magac Suldaan-nimo ee lix beelood oo waxay beelaha ay metelaan u qabtaan daaye ay iyagu yihiin kuwa beelahooda ku dhiba nolosha misna ka hor istaaga horumarka kana shaqeeya burburinta wadajirkooda.

Lixdan Suldaan ee aan Ceebtu karayn ayaa waxay kala yihiin;

1-Suldaan Buube Abdulle Buube (Bagadi)
2-Suldaan Warsame Ibraahin Caliyow (Jiide)
3-Suldaan Siidow Maadow (ShantaCaleen)
4-Suldaan Cusmaan Axmed Cabdi (Geledi)
5-Suldaan Xaydar Suufi Muunye (Tuni)
6-Suldaan Aadan Ali Macalin Banin (Gare)

Waa dhab in Salaadiintan lixda ah ayan isu arag inay yihiin kuwo leh sifooyinkan aan soo sheegnay balse runta biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay inay yihiin kuna sifaysan yihiin in ka badan inta aan sheegay oo xumaan iyo dibindaabyo ah isla markaana mas’uuliyadii ay u hayeen dadkoodana ay dayaceen kana doorbideen inay ka shaqaystaan halkii ay u shaqayn lahaayeen.

Salaadiintan aan weligoo arag Shacab la xisaabtama ayaa waxay isula muuqdaan kuwo leh haybad aan wax loo dhiga la arag balse shalay maanta waa ay ka gedisan tahay oo Shacabka ay magacooda ku qaraabtaan inuu maanta diyaar u yahay inuu sharaftiisa soo ceshada misna uu iska hor leexiyo Salaadiinta ku gudban ee diidan horumarka shacabka ayaa ah wax aad u muuqda maanta oo guud ahaan beelahan lixda ahi waxay si gaar ah u garteen halka ay dhibtu ka hayso oo ah hogaanka sare ee beelaha.

Waa dhab in inta aan soo sheegnay iyo in ka badan ay salaadiintani mas’uul ka yihiin baaba’a iyo burburka ay maanta ku sugan yihiin lixdan beelood ee ay Salaadiinta u yihiin iyagoo walibana sii wada sidii ay ummada inta ka harsan ay u sii dabar jari lahaayeen balse Su’aali waxay tahay kolka aad dadkaaga dabargoyso yaad xitaa Suldaan beeneed u noqonaysaa?!

Lixdan Suldaan kolka laga reebo Suldaan Siidow Maadow(ShantaCaleen) inta kale sedexdii sano ugu danbaysay midna ma tagin deegaanka ay beelahooda degaan oo dhamaantooda waxay sidii xoolaha Dibadjoogta ah hunguri ka daydaan Qashinqubyada Muqdisho…Qashinqubyada Muqdisho!..Haa Qashinqubyada maxaa yeelay waxaa Muqdisho uga furan xafiis wax lagu gedgediyo oo Samsara ah waxayna ku dhex haystaan NGO-yo maxali ah waxayna hor iyo gadaal usii wadaan una soo raraan siina raraan dadkooda oo xerooyin uga oodan Muqdisho sidaasna waxay waxoogaa cad nacaseed ah kaga qaataan kuwa haysta.

Xafiiskan Indhasarcaadka ah ayaa waxa uu ka furan yahay No-4 wuxuuna ku furan yahay magaca Suldaan Buube Abdulle Buube(Bagadi) oo isaga Suldaan-nimada kohorba ahaa Madaxii NGO-yada gobolka Shabeelaha hoose ee maamulkii Burcadka ahaa ee Yuusuf IndhaCade waxaana haatan la shirka ah Suldaan Warsame Ibraahin Caliyow (Jiide) oo isaga Qurbajoog waxoogaa waxbartay ah hayeeshee aan wax dan ah ka lahayn shacabka uu magacoodu Suldaanku ku yahay waxaana labadan Suldaan ee NGO-nimada isku bahaystay ka hoos laadlaada oo nolol ka hoos daya Suldaan Xaydar Suufi Muunye (Tuni) oo runtii waxna haysan waxna qorin isla markaana ay Saldanadu ku haystaan ilaa Sedex Suldaan oo ilma Adeeradiis ah waxaase intan ka gedisan Suldaan Cusmaan Axmed Cabdi (Geledi) oo isaga joogistiis Muqdisho uu ku dhaqaaleeyo Xildhibaan Xuseen Cismaan Xuseen(UurKuus) oo sida aan xog ogaal u nahay aanu uba dhalan beesha uu Xildhibaanka u yahay ee Geledi! halka Suldaan Aadan Ali Macalin Banin (Gare) uu isagu ganacsigiisu ka wada weyn yahay Salaadiintan dayacay dadkooda uuna kaga horeeyo Iibgaynta Shacabka hayeeshee habkiisa ayaa waxaad moodaa inuu yahay mid ku dhisan “Kadanayso kuna Danayso” oo waxa uu xiriir is Sheegasho ah uu kula xiran yahay beelaha Hawiye taasi oo aad moodo in wakaalada dagaalka ee beelaha Hawiye ay ku hayaan shacabka Shabeelaha hoose qaybahooda kala gedisan ay u wakiisheen.

Dad badan ayaa waxay isweydiin karaan sida dad hogaankooda noocaan ah ay u hormari karaan oo u wada hadli karaan oo danahooda uga wada shaqayn karaan balse waxa markiiba kuu soo baxaysa in hogaan xumo ay bulshadu ka dhigayso sida ay beelahan Aw-Digil ay maanta yihiin oo tusaale lasoo xigto ay Soomaalida oo dhami kaga filan yihiin.

Gunta iyo gebagebadiina Shacabka beelahan gaar ahaan Culimada,Dhalinta,Aqoonyahanka iyo Waxgaradka ayaa maanta waxaa u banaan fursad ay ku badbaadiyaan ummadooda oo dabargoyntooda,Barakicintooda iyo Gumaysigooda ay hormuud ka yihiin Salaadiintooda oo Shacabka inta uu kaco inuu iska dulqaado Salaadiintan gabay Mas’uuliyadii ALLE iyo Adoomadiis intaba.

 

Abdiaziz ShSalah

9 COMMENTS

  1. fadlan comments aan soo diro sii gudbiya
    marar badan ayaa la igu celiyee
    hadii aad xasuusataan mar laga joogo sanad ayaan soo qoray in ciidamo deegaanka ah la dhiso oo ay ilaa shadaan dhulkooda

  2. Waan ku raacsanahay maqaalkan, Suldaan+NGO siduu suldaan ku noqon karaa ama ku sii ahaanayaa hadii aan la helin dad laga ganacsado?

    Illaahey rag xaniinyo leh u soo saaro qowmkan nala degay.

  3. Webkan ninka leh magac degmada miska qaatay mise wuu u dhashay kolay aniga waligay daafeet kuma maqal yaasiin abiikar qof la yiraado waa ku dhashay waana ku koray mida kale beenba sheegtay oo ah shancaleemod leh suldaan sxb wax suldaan la yiraado waligay ma maqlin ninka isku magacaabay waaa jeebkiis iyo adiga buun buuninaayo ee dheesha ciyaarta ka daaya shabeele hoose arintayda dir leh Digil waa dad dagan waligood biimaal boqorkooda ahaa hadane biimaal haku daba feelaan

  4. ma`uuliyiinta iyo xildhibaanada gobolka
    waa in la bedelaa, waayo in ciidan la samaysto ayaga ka soo horjeeda, marka waa in lagu bedelaa dad karti leh oo dadkoda dhan ciidan iyo aqoonba ka dhisi kara. kuwan hada u magacaaban waa magac-uyaal oo beel ku danaysato.

  5. mar walbo yaan lagu ordin suldaan iyo xildhibaan. walaalayal aniga waxaan ka soo jeedaa wwanlaweyn. suldaamada aad sheegeysaan dhaqaalo ayey u baahan yihiin. wey jecelyihiin iney wax qabtaan lkn garab ma lahan. dhaqaalaha waa shey muhiim ah. waa mahadsantihiin.

  6. Garre suldaan logu magacaabo Banin malaha ee benta is kadaa. Banini waa oday reer Baidow oo RRA kujiri jire. Waxaad an aqonini daad baa laweydiya. Garre has one Sultan Mohamed Haji Hassan iyo 24 Ugaas. Gaare D/M waay kabaxeen. stop telling people that Garre are digil. the one is a fallacy

  7. waxaan rabaa dad jecel iney dad kooda waax iney u qabtaan rabaan. iskaashiga aa muhiim.

Comments are closed.