Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika ugu qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhaweeyay tilaabada Dowladda Federaalka soomaaliya ay u qaaday magacaabida gudoomiyeyaalka deeganada cusub ee lala wareegay.
Gudoomiyeyaalka maamulada ee ay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa kala wareegto xukunka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM tasoo qeyb ka ah dadaalada xasilinta.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa yiri isagoo taageero ka heysto AMISOM, Gudoomiyeyaashu waxaa la geeyay degmoyinka Bulo Burte iyo Jalalaqsi taasoo bidhaamineyso calaamad dheeraad ah oo horumar ah iyo kasoo kabashada gacan ku heyntii Al Shabaab iyo maqnaanshaha xukunkii dowladda.
Wuxuu ugu baaqay dhamaanba dadka nabada jecel inay sameeyaan waajibkooda madaniga ah, siiyaana taageerada ugu badan maamulada cusub iskaashina la sameeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya laamaheeda amaanka, milatariga, AMISOM iyo ciidamada booliska AMISOM si loo soo celiyo nabadii, xasiloonidii iyo awooda sharciga, markoosoo dalku uu si deg deg ah u guda geli doono horumar iyo sare u kaca bulshada.
Daafeet.Com