Cutubkii ugu horreeyey ee ka socda ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidanka oo wata gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka ah oo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho ayaa Jowhar u tagay in ay xoojiyaan ciidamada ammaanka ee magaaladaas, sida xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee gobolka.
Saraakiisha ayaa intaas ku daray in keenista ciidanka ay dowladdu uga jawaabeysa codsi ku aaddanaa ciidan boolis ah oo la geeyo Jowhar oo ay hore u gudbiyeen mas’uuliyiinta iyo bulshada degmada Jowhar.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada Jowhar ayaa soo dhaweeyey keenista ciidanka, waxayna sheegeen in ay wax badan ka beddeli doonaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada.
Daafeet.Com
WARNING
hilib xayr manoqdo., hamoodina inay yihiin ciidan dowladeed ee waa ciidan beeleed oo loo soogeliyey dharka ciidan dowladeed, sida hadda kasocoto G. SH/HOOSE, mashruucaas ayay qeyb katahay waa dhul hawiye halasameeyo ee hala boobo dadka kale, waa iyagii ku fashilmay degaanadooda inay wax usameeyaan, ogaadaa ee be careful
Tuug warkiisa socon maayo
adam jawhar waa dhul hawiye ee ma adigaa lagaa tuugaa taas, yuusa yahay dadka laga boobaayo jawhar, ileyn waa dhul abgaal cismaane hadey yihiin ciidan beeleed saw ayaga uma dhalan dhulka.
Comments are closed.