Denjirayaasha Ingiriiska , Mareykanka iyo Midowga Yurub oo Ka Hadley Dagalada u Dhexeeya Puntland iyo Somaliland

0
56

usa ukDanjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Neil Wigan, ergayga Mareykanka ee Soomaaliya, James P. McAnulty iyo wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Somalia, Michele Cervoned’Urso ayaa walaac ka muujiyay ciidamada ku sugan goobaha lagu muransan yahay ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale, wakiilladan ayaa hadalkooda ku daray: “Waxaan ku baaqaynaa is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka ciidamada. Dhammaan qaybaha ay quseyso arrintaan waa inay dadaal deg-deg ah sameeyaan si wadahadallo loogu xalliyo khilaaf iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista ah in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah degenaasho waarta oo ka dhacda gobolka.”

Xubnahan waxay ku booriyeen maamullada Somaliland iyo Puntland inay dadka deegaanka u horseedaan nidaam wax dhisaya, si wadajir ahna wax looga qabto tabashada dhaqaalaha, horumarka, iyo bini’aadanimada ee shacabka ku nool gobollada la isku-haysto, iyadoo aan la eegayn sheegashada goobahan.

Wakiilladan ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in la taageero qaybaha ay quseyso arrintan si loo raadiyo xeer-jajabyo iyo in laga shaqeeyo nabad waarta iyo degenaasho uu helo gobolka.

 
Daafeet.Com