Wefdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga oo Maanta Tegey Magalada Marka

1
43

xamudMagaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, waxaa gaaray wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga ahna Siihayaha Xilka Wasiirka amniga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyadoo ay la socdeen xubno ka tirsan Dowladda.

Wafdiga markii ay tageen Magaalada Marka, waxa ay la kulmeen Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ay kala hadleen arimaha ammaanka Marka.

Ujeedada wafdigaan ayaa waxa ay tahay dhameynta Xiisada ka taagan Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo waayahan dambe ay ku dagaalamayeen dadka deegaanka iyo kuwo kasoo duuley gobolada dhexe ee dalka somaliya.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. waxaa ciidamada dowlada xada laga dhigay dadkii duulanka soo qaday saa aan u fahmay wasir maxamed sheeq waxba yuu isku daalin arinta marka iyo Guud ahan Gobolka sh/ Hoose marna nabad ma noqoneyso ilaa laga sifeyo kuwa duulaanka soo qaaday mar walibana gardaro Dagal xoog xog dhul ku raadsi ka wada walahi walahi xada iyo xadhow waqtigey noqataba ilaa aan uga elino meesha ay ka yimaadeen nabad ma dheci doonta anaga matna maka Hari dono

Comments are closed.