Alshabab oo Mar Kale Qarax ku Dhufatey Kenya Dad Badana ey ku Dhinteen

0
47

kenyaWeerar ey maanta Alshabab ku qaadey deegaano ka tirsan tuulada Mapenya oo ka tirsan Mpeketoni ayaa waxaa ku dhintey in ka badan 15 ruux.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa sheegay inay kooxaha hubeysan gubeen qalab ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Safaricom ka hor inta aysan dilin dadka.

Ole Lenku ayaa hadalkiisa ku daray in weerarkan uu ahaa mid daba-socday kii ka dhacay isla deegaankaas habeen hore, isagoo xusay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ahaayeen kuwo wax walba ogsoon.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in dagaalkan uu yahay mid baahsan, ayna ku guubeen kooxahan gaadiid iyo dhismayaal ku yaalla tuulada Mapenya, isagoo aan sheegin kooxaha weerarka geystay halka ay aadeen.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ciidamada amniga Kenya ay ka hortageen inay kooxahan mar kale dilal baahsan geystaan, isagoo xusay inay dileen 15-qof oo keliya, kuwaasoo uusaan sheegin waxay ahaayeen shacab iyo askar.
Daafeet.Com