Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Sheekh Oo Maanta Gaarey Magalada JOwhar

1
40

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen Xubnaha Maamulka Shabeelaha Dhexe iyo wafdi isaga shalay halkaasi kaga sii hormaray.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Madaxweynaha uu kulamo Jowhar kula qaadan doonaa Maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Waa Socdaalkii labaad ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tago Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa waxaa lagu wadaa inay taggaan Deegaanka Buurane, oo 3km u ka baxsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo lagu wado in laga hirgeliyo Jaamacad lagu barto Kulliyada Beeraha.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. WEBSITE KA DAFEET WAXA U SHEGAAA WALAYALOOW MA KA DHAFTAN AXA AMENESAN NINKAN MA K CABSANEYSAN IN DHAHDAN MADAXWEYNAHA BEESHA HAWIYE ILEN AYAGA UUN BUU MADAXWEYNE U YAHAY MA A NIGOO II YAHAY MISE ADIGOOW KUU YAHAY WAR CEEB WAAYE WAXA SAMENESIIN QOFKA HADDUU KU QIIMEYO WALA QIIMEYA KAN DANYER WAYE RUNTANA KA SHEGA MOORIYANT UU MADXWEYNE U YAHAY MIDA KALE MIRIFLE WA CEBOWDEN INA BIIMAL KU FIIRSATAN HADAA GARATEEN IDINKA LE WAAYE LAKIN TARIIQDA AA XUSI DOONTO

Comments are closed.