Ardaydii ugu horreysay oo bartay cilmiga saxaafada oo tiradadoodu gaareyso 13 arday iyo kuwo baratay cilmiga caafimaadka oo 61 arday ah kuna taqasusay cudarrada ku dhaca haweenka iyo umulisada ayaa xaflad ay ku qalin-jabinayaan maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Xafladda qalin-jabinta ah ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan mas’uuliyiinta heer gobal iyo heer degmo, waxaan goobta ka hadlay madaxa macadka Al-imra Maxamed Cali Macallin isagoo ka hadlay aasaaska machadka iyo waxbarashadii ardaydan, isagoo sheegay inay farxad u tahay in arday intaan le’eg ay maanta ka qalin-jabinayaan macadka.
Agaasimaha waxbarashada ee gobalka Bay, Dr. Maxamed Siidoow (Maadeey) oo iska ka hadlay munaasabadda ayaa amaanay ardayda cusub ee saxaafadda iyo caafimaadka bartay, kuwaasoo ah dafcadii ugu horreysay ee baratay culuuntan.
Munaasabaddan ayaa lagu qabtay hoteelka Manchester ee magaalada Baydhabo, iyadoo ugu dambeyn ardaydii bartay saxaafadda iyo caafimaadka ayaa goobta lagu guddoonsiiyay shahaadooyin.
Daafeet.Com
Maansha Allah Allah Garabkoda ha galo Amin
saxaafada waa meesha keliya aan ka dhimaney reer kunfur galbeed marka waa in ay xooga saaraan
Comments are closed.