Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa xilka iska casilay, kaddib markii uu muran soo dhex-galay isaga iyo qaar ka mid ah dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Is-casilaaddiisa ayaa la sheegay inay salka ku hayso qorshe uu doonayay inuu kaga saaro magaalada Kismaayo ciidamada Kenya ka socda ee ka tirsan AMSIOM oo ay horay uga cabatay dowladda Soomaaliya si loogu bedelo kuwo ka socda ciidammo ka socda Jabuuti iyo Burundi.
Danjire Anaadiif ayaa la sheegay inuu qoraalka iscasilaaddiisa toddobaadkii hore u gudbiyay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika lagana ogolaaday, iyadoo la filayo inuu kaga dhawaaqo is-casilaaddiisa munaasabad maanta ka dhacaysa Muqdisho.
Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu qaato wakiil urur caalami ah uu u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana dajire Anaadiif uu ahaa madaxa guud ee AMISOM iyo ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Daafeet.Com