Golaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga dooday sharci ay xukuumadu u gudbisay kusoo ahaa ay ka mid yihiin gudiga madaxa banaan ee dastuurka,Hindise sharciyeedka gudiga xuduudaha iyo federaalka,iyo hindise sharciyeedka golaha adeega garsoorka.
Dood dheer kadib ayaa goluhu waxa uu ugu horeyn cod u qaaday gudiga madaxa banaan ee dastuurka kuwaasoo 134 Xildhibaan ay ogolaadeen halka 9 xubnood ay diideen iyadoo ay 10 mudane ka aamuseen taasoo ansax ka dhigtay ansixintooda,
Sidoo kale golaha Barlamaanka ayaa kulankooda maanta cod u qaaday hindise sharciyeedka gudiga xuduudaha iyo federaalka kuwaasoo ay goluhu diideen kadib markii ay 80 xildhibaan maya ku codeeyeen halka 66 mudane ay ogolaadeen iyadoo 12 mudane ay ka aamuseen waxaana ay natiijadu noqotay in barlamanku diiday hindisesharciyeedkaasi.
Daafeet.Com