Amisom oo Markii Ugu Horeysey Dhaliishey Hay’adaha Amniga ee Xukumada Federalka

0
61

amisomMadaxa xafiiska siyaasadda AMISOM, Xaaji Ciise oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha amniga dowladda ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan ammaanka Muqdisho iyo dilalka ay ka geysanayaan kooxaha hubeysan.

Xaaji Ciise ayaa sheegay in AMISOM ay walaac xooggan ku hayso dhibaatooyinka loo geysanayo dadka Muqdisho ku nool oo sii kordhaya iyo wax-qabad la’aanta hay’adaha kala duwan ee dowladda, taasoo sababi karta inay dhibaatooyinku sii kordhaan.

Sidoo kale, sarkaalkan AMISOM ka tirsan ayaa sheegay in xilliga la joogo waqtigii ay eegi lahaa meelaha ay hay’adaha dowladdu ka dabacsan yihiin, markaasna ay isku dayi doonaan inay daboolaan baahidaas.

Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa inaysan awood u lahayn inay wax ka qabtaan ammaanka, iyadoo ay Muqdisho ka dhacaan qaraxyo abaabulan iyo weerarro toos ah oo ay Al-shabaab la beegsato xarumaha dowaldda ee Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo AMISOM ay dhaliil u soo jeediso hay’adaha amniga ku shaqada leh ee dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn waxay ka bedeli doonto tani fikirka dowladda ee ku aaddan wax ka qabashada ammaanka Muqdisho.
Daafeet.Com