Dhegayso..Xaflad sedex gobol loogu aqoonsan lahaa KoonfurGalbeed oo ay isku maandhaafeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka

2
71

sedexda dalka

 

 

 

 

 

Waxaa maanta xafiiska Madaxweyne Xasan Shiikh looga yeeray Suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho waxaana loo sheegay in dowlada Soomaaliya ay maanta saxiixi doonto Document ay ku aqoonsanayso in sedexda gobol ee Shabeelaha hoose,Baay iyo Bakool ay ka koobnaan doonaan maamulka KoonfurGalbeed.

Hayeeshee kolkii ay Suxufiyiinta,madaxda Maamulada iska soo horjeeda ee KoonfurGalbeed ee Sedexda iyo Lixda,Xildhibaanada Digil iyo Mirifle,Qaarkamid ah wax garad madasha lagu casuumay iyo Shaqaalaha xafiisyada sedexda mas’uul ee dalka ugu sareeya ay soo wada xaadireen ayaa waxaa loo sheegay inay madaxda dalku ay shir ku jiraan misna goobta imaan doonaan kolkay shirka soo dhamaystaan.

Saacad kadib ayaa kasoo qayb galayaasha waxaa loo sheegay inay berito galab markale ay yimaadaan.

Intaa kadib wariyeheena oo kamid ahaa suxufiyiintii goobta ku suganaa ayaa waxa uu dhexqaaday xubnihii madasha ku sugnaa waxa uuna inoo sheegay in uu ogaaday in Madaxweyne Madoobe Nuunoow uu lasoo hadlay madaxda sare ee dalka una sheegay in wax Sedex gobol la yiraahdo aanu ogolaan doonin ruuxii u saxiixana ku gaar noqondoono.

Halkaan ka dhegaysoUnknown Album

2 COMMENTS

  1. Wale baroorta Orgiga ka weyn maxa MD iyo PM ay fidnada Gobolada Somaliyeed uga talinowhayaan? Subhanallah Kofur Galbeed Nidamkdea maxa daba dhigey illeen adunya jogow maxa ku dhiman aan maqli jirey . Dowldan MuqdishoS haqada ugu weyn aya qabanowhayaan waa Inaaderso ,Afka buxso /Aqala Jexo Xishod wey ka tageen diyarad la sarnanaya ayeey Dowladnimo Modeen.Kuwan wax ka Lita Tariqda Somaliya ma so Marin.Hasbunullahi Waa Nicmal Wakil.

  2. kkkkkkkk walee Balayo kaa Qosol siin balaayo ma ahan anaguna Gurbaan 6 Gobol ayaan Tumeynaa xagana mid 3 ayaa laga tumaa war sidee Rabtaan imaan lacaantaan Xagee idinka Timid waxa dhacayo ma arkeysan D&m cid cadaw ku ah ma jiro ee asagaa cadaw isku ah oo lugta iskaga dhegen kuwa la leeyahay 3 Gobol ayaa saxiixa Rabeen shalay oo xada wasiir nimada ku wayeen waxay tahay ula Jeedadooda in lacag ay helaan sax hadii lacagtaas ka dhamaato mar labaad maxaa rabaa in uu sameeyo dhulka ayaa Gadaa sax kuwan kuma filna kaliya in xil leyska Qaado ee waa in maxkamad la keenaa oo waajibkooda la mariyaa iyaga iyo wixii la mid ah hadii sidaas la yeelin wax Noo toosayo ma jiro yaan leys Daalin Shaqsi Qabiil waa in meel leyska saaraa oo laga gudbaa Qabiilka Qabiilada miyaa ka cawod badan yahay shaqsiga sharciga miaa ka weyn yahay? waa in leys xukumaa dm idinkaa wax idinka Toosi lac yihiin ee Shaqsiyaadka la ogyahay oo laga lex leexanayo waa in laga gudbaa oo sharciga leysla tiiksadaa qof ka cabsiga laga gudbaa

Comments are closed.