Dhegayso..Waa sidee xaalada Amaan ee magaalada Kismaayo kadib Dilal,Kufsiga iyo dhaca magaalada ka socda,

0
71
kismaayoTan iyo intii magaalada Kismaayo ay la wareegeen Gacan ku haynteeda Ciidamada Kenya  iyo Maleeshiyaadka Raaskanbooni ayaa waxaa ka dhacayey magaalada falal isugu jira dilal,Kufsi iyo dhac oo inta badan lagu eedeeyo in ay ka dambeeyaan maleeshiyada maamulka Axmed Madoobe.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa maalinamadii doraad waxaa lagu diley Taliyahii Ciidamada Ilaalada ku xigeenka Axmed Madoobe oo lagu magacaabo Farataag,taasoo dadka qaarkiina ay u qaateen in mamulka uusan cidna kala reebayn,iyadoo dilkaasina lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen Ciiidamo taabacsan Axmed Madoobe.
Hadaba si aan uga ogaano xaalada amaan Kismaayo,wadahadaladii nabada ee laga dhex wadey Beelaha iyo abaabulka dagaal ee uu wado Col.Bare Hiiraale ayaa waxaan arimahaaso oo idil aan ka wareysanay mid ka mid ah Odoyaasha beesha Sade oo ku sugan Kismaayo
Halkan ka dhegayso wareysiga