Faallo..Geeseey uguma horeyn siyaasi ka dega Bus-ka Gobanimada korana kii Qabaan-nimada.

4
82

geeskaKuma cusba dhegaha dadka inay maqlaan ruux Xoriyadiisa ka doorta Isticmaar amaba inuu taliyo ka doorbida in loo taliyo balse waxaa marwalba ay dadku isweydiinayaan kuna adag inay ogolaadaan sida ruux Xor ah uu ku doorbidayo inuu Qabaan-noqdo oo uu isagu isasaaro heeryada Gumaysiga.

Runtii waa arin aad ugu adag maanka inta waxgaradka ah balse samaynteeda la fudud inta Garaad yarida iyo Jahligu asiibay!

Guud ahaa ummad weynta Digil iyo Mirifle ayaa waxaa taariikhdeeda baalasha madmadoobi laga dheehan karaa in falalkani ay yihiin kuwo soo noqnoqday oo misna ay sameeyeen Siyaasiyiin badan oo reer Mirifle ah misna aan jirin cid wax ka qabatay oo xitaa ugu yaraan u sheegtay ummadda Digil iyo Mirifle si loo takooro loona baro jiilka cusub.

Falkan maanta uu Bus-kii Xoriyada iyo Dadnimada uu kaga degay Cabdifataax Geeseey kuna koray Bus-kii Isticmaarka iyo Dulinimada ayaa waxa uu noqonayaa falal ay horay u sameeyeen shaqsiyaad siyaasiyiin reer Mirifle ahaa oo cid denbi u raacato dhaafee lagu qiimeeyay falkoodii dareen la’aanta ahaa ee danaysiga ku dhisnaa.

Taariikhdan cusub ee bilowga ah kana bilaabatay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa aad u soo muuqday in siyaasiyiinta reer Mirifle intooda badani ay lasoo shir tageen ka ganacsiga miraha ka dhasha maamulada ay ummadu gacmahooda ku samaystaan.

Waa dhab oo waa taariikh qoran oo weliba inbadan oo kamid ah Shacabka Digil iyo Mirifle ay goobjoog usoo ahaayeen ayna weli sii daawanayaan falalkaan caada dhaqameedka u noqday Siyaasiyiinta Mirifle.
Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991dii kadib isku tashi ay sameeyeen qaybihii kala gedisnaa ee bulshada Digil iyo Mirifle ayaa waxaa kasoo baxay maamul goboleedkii ugu horeeyay ee ay Qowmiyada Digil iyo Mirifle yeelato nasiib daro-se waxaa maalin cad Cadeeystay(Gatay)Madaxweynihii xiligaas ummadu ku aamintay mirihii ka dhashay dhididkoodii xalaasha ahaa AVV. Xasan Sheekh ibraahim (Xaseey) oo reer Mirifle ahaa sidaasina waxay Qawmiyadii ku gashay gacanta Isticmaarkii beelaha Hawiye tiiyoo uu sii hormariyay Col Maxamed Nuur Calow Bare oo isna reer Mirifle ahaa urur iyo dowlad aan jirin dadkiisa ugu dulhayay heeryadii gumaysiga Hawiye.

Waa dhab in ummadi ayan marnaba ka dhamaan geesiyaal u kalca kana dul roga heeryada Gumaysiga saara amaba tan gumaysi kalkaalka loogu soo dhuunto ayaa waxaa ummaddi Digil iyo Mirifle u kacay dhalin reer Mirifle ahaa oo nolosha gumaysiga Hawiye ka doorbiday geeri ama guul ay ku noolaadaan,Dhalintii kacdayna waxay yeesheen hogaan ha yeeshee hogaankii waxaa markale kusoo dhex dhuuntay gumaysi kalkaal dhiiga dhalinta ku iibsaday kursi aan la aqoon xitaa waxa lagu qaban doono Cabdalla Deeroow Isaaq oo isna reer Mirifle ahaa tusaale inooga filan halgankiisa iyo halkii uu ku danbeeyay kadib kolkii uu asiibay cudurka gumaysi kalkaal sidoo kale ma ahayn waqti fog kolkii Maxamed Ibraahin Xaabsade iyo Aadan Madoobe loo adeegsaday laynta Shacabkooda kuna kor dagaalamay maatada magaalada Baydhabo.

Hadaba intan aan soo sheegay oo ahaa siyaasiyiin gatay dhiiga Shacabka Digil iyo Mirifle xagee ayay kaga jiraan taariikhda rogroganta ee siyaasada Qawmiyada?

Jawaabta waa ay iska cadahay oo dhamaan waxay inoo yihiin hadaan reer Mirifle nahay Geesiyaal,Halgamayaal,Siyaasiyiin,Madax iyo Halyeeyo ku dayasho mudan halkii aan ugu yaraan aan sheegi lahayn dhaqartii ay dadka iyo dalkuba ka galeen,Kol hadii halyeeyada aan ku dayano ay yihiin kuwan gumaysi kalkaalnimada ku sifaysan maxaa diidaya jiilka cusub ee Siyaasiyiinta reer Mirifle sida Geeseey inay ku daydaan Halyeeyada gumaysi kalkaalka aan soo sheegnay?

Mar kale jawaabtu waa waxba….Waxba.

 
Abdiaziz ShSalah

4 COMMENTS

  1. 2 daran kala doorta digil&mirifli kala daran daarood&hawiye daacadnimo kudara hadaad wax daaweceesaa kadaaya dadka dooqiina in aad udaawacdaan danta dadweynaha ka weyn dooqiinee waaba ka darantihiin dadkaase hadeydaan dibindaabyo amaba dankale wedin danta digil &mirifle waatass udabaaldiga hadaad diida waaba dankae

  2. Digil diyaar uma aha in ay maamul la wadaagaan sharif xasan iyo cabdifatax geeseey. Waxaan ddorbidwynaa in gooni u istaagno oo maamul la wadaagno beelaha aan isla degno sida Biimaal, Jareer-weyne, iyo reer banaadiriga. Haddii intaasi la waayo shabelle state aan ku biireynaa.

  3. Asc dhaantiin digil ii mirifle wayba sin warsadeey lankan wabsetka wal ku goraaw see wal iin wada??? Uni hooba ena reer bakool way eraanee madii daab haysata ya masaar la weydiyee wayba kuwadeey shalmaygeeraad walba galantaana ma ki jarna geeka dowlad goboleed ya lena jubaland hooba laseeda dadkii kaayna odshiyoo ya haki bahayAan saas iin fahma salamantiin

  4. Aadan deerow sifiican ayaad udhigtay hadaan nahay beesha direed waan Soo dhawaynaynaa maamulka 3 gobol waxyar wax la aaan ayay dhaantaa barina jubaland codkeena Ayaan kaga soo baxaynaa kuna midoobi karnaa dhulkeena wax qabad ayuu ubaahan yahay wakhti layska hor imaado lama joogo aqliga ha shaqeeyo

Comments are closed.