Alshabab oo Maanta Weerar Ku Qaadey Saldhiga Boliiska Ee Degmada Buula BUrde

0
88

alshababWarar eynu ka helney degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska degmada, kadib markii dabley soo xirratay dareyska militariga weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti uu khasaaro kasoo gaaray weerarkaasi, inkastoo aan la ogeyn inta uu la eegyahay Khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi.

Labada nin ee weerarka soo qaaday ayaa goobta lagu dilay, kadib dagaalkii tooska ahaa ee dhexmaray, iyaga iyo ciidamada Jabuuti, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in khasaaro uu soo gaaray ciidamada Jabuuti.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Buulo burde weli kama aysan hadlin weerarkaan ka dhacay Magaalada Buulo burde.

 
Daafeet.Com