Dhegayso..Maamulkii Buulo Xaawo oo is wada casilay iyo Kan gobolka Gedo oo la sugayo

0
85
buuloxaawoMas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa maanta maamul cusub u magacaabay degmada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii uu is-casilay maamulkii hore ee degmada.
Yuusuf  Maxamed Cabduqaadir ayaa si KMG ah loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Buulo Xaawo iyadoo sababta is casilaada maamulkii horena lagu micneeyey is maqal la,aan iyo amaankii oo faraha ka baxay,kaasi oo oo keenay in gudaha magaalada ay ka dhacaan dagaalo
Guddoomiyihii hore ee degmada Buulo Xaawo  Maxamuud Cabdi Nuur (Beyxaani) iyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada, Caddow Nuur Xasan ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii maamulka.
Hadaba madaxii Arimaha Bulshada Maamulka Buulo Xaawo Buulle Aden Qaloocow oo wareysi siiyey Warbaahinta Wadajir ayaa su aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey ayaa waxay ahayd waxaad ka warantaa xaalada amaan iyo waxa uu ku saleysan yahay maamulka kmg ee loo dhisey Buulo Xaawo.
Halkan ka dhegayso