Dhegayso..Qoysas Gobolka Bakool kasoo qaxay oo gaarey degmada Luuq ee Gobolka Gedo(Wareysi)

0
50

luuqKu dhowaad ilaa 400 qoys oo kasoo barakacay dagaallada iyo deganaansho la,aanta ka taagan degaano ka tirsan Gobolka Bakool ayaa degay xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmada Luuq ,iyadoo dhibaatada ugu daran ee ay ka cabanayaan Qoysaskaasi ayaa xilligan waxaa ugu weyn Cuno la,aan,Hoy la,aan iyo adeega Caafimaad ee xeryahaasi oo aad u liita.

 Qoysaskan soo barakacay oo u badan haween, carruur iyo dad waayeel ah ayaa kasoo qaxay intooda badan guryahoodii oo ku yiil degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobolka Bakool,iyagoo degmada Luuqna ay u socdeen mudo 7-5 maalin ah ,waxayna safarkoodana u isticmaalayeen gaari dameero.

 Cumar Aden oo ka mid ah Qoysaska ka soo barakacaya degmada Xudur oo u waramayey Radiyaha Wadajir ayaa sheegay sababta ay ugu soo barakaceen guryahooda in ay la xariirto Cabsida dagaalada, deganaansho la,aanta ka jirta degmadaasi,isagoona sheegayna dhibaatooyinkaasi dadka deegaanka in ay u sii dheer tahay wadooyinkii oo ku xirmey colaadaha .

 Imaanshaha Barakacayaashani cusub degmada Luuq ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli dad ka badan ilaa 3kun oo qoys oo horey ugu barakacay Abaaro iyo Colaado ay ku jiraan ilaa 12 xero oo ku yaala duleedka degmada Luuq mudo ka badan ilaa 3 sano,Barakacayaashaasi oo ka kala yimid markoodii hore deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo Bakool ayeysan jirin ilaa iyo hadda cid si rasmi ah uga caawisa adeegyada xaga nolosha ee ay u baahan yihiin.

Halkaan ka dhegayso

Qoysas Gobolka Bakool kasoo qaxay oo gaarey degmada Luuq ee Gobolka Gedo,Wareysi