Kadib kolkii ay fashil ku dhamaadeen wadahadaladii Dowlada fedraalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed ayaa waxaa soo if baxay in mas’uuliyiinta hay’adaha u dhisan maamulka goboleedka KoonfurGalbeed ee lixda gobol ay bilaabeen inay shacabka ku beer laxawsadaan in shaqsiyaad ay fashiliyeen waxay u tageen Muqdisho taasi oo ceeb ku ah maamulka iyo weliba Shacabka doortay mas’uuliyiintan.
Waa dhab oo waa run inay jireen shaqsiyaad maamulka uu ka qaaday xillal uu markii horey uu dhiibtay kadib kolkii ay ku xadgudbeen dhaartii ay ugu dhaarteen Shacabka iyo Dhulka KoonfurGalbeed sida Cabdifataax Geeseey iyo Shiino Macalin balse waxaa isweydiin mudan waxa labada mas’uul ee ugu sareeya maamulka K/G Madaxweyne Madoobe Nuunoow iyo Gudoomiyaha golaha guurtida Malaaq Xasan Shure ay u beegsanayaan shaqsiyaad ayan wax xil ah u dhiiban sida Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga DF ah ee Soomaaliya Khaalid Cumar Cali iyo Suldaankiisa Buuwe Cabdulle Buuwe.
Waa yaab iyo amakaag iyo weliba waxaan jirin in fashilkii Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed ee lixda gobol ay kala soo kulantay Muqdisho in dusha laga saaro laba ruux oo isku beel ah misna meel looga dhaco sharafta ay huwan tahay beesha oo idil looguna abuuro gudaha beelaha kale ee reer KoonfurGalbeed cadaawad aan la qiyaasi karin waxa ka dhalan doona.
Labadan mas’uul ee ay mas’uuliyiinta maamulka K/G eedeeyeen ayaa ayaguna ah mas’uuliyiin haya xilal kale kuna haya magaca beeshooda ee Begedi marka waxaa markale isweydiin mudan waxa mas’uuliyiinta K/G ku xumbaaray inay ka gudbaan Asluubta iyo Isxormaynta guud ee loo baahnaa inay ka wada dhexeyso mas’uuliyiinta guud ahaan gaar ahaan kuwo wax ka wada dhexeeyo.
Baasha Begedi.
Beesha Begedi oo ah beel Mudnaan iyo Taariikh facweyn ku leh wadajirka iyo Walaalaynta Digil iyo Mirifle ayaa waxaa hadana wax laga xumaado ah in shaqsiyaad maanta sheeganaya mas’uuliyada reer K/G si gaar ahna Digil iyo Mirifle ay isku dayaan inay cagta mariyaan taariikhdaas qotada dheer ee ay beeshu ku leedahay gudaha Qawmiyada Digil iyo Mirifle kuna tuntaan mudnaanta ay ummadeeda ku lahayd.
Madaxweyne Nuunoow
Waa dhab in aad ku soo guul daraysatay waanwaantii aad Muqdisho u tagtay oo taasi muran kama taagna,Sidoo kalena waxaan wada ogayn in tagista Muqdisho aad tagteen ay ahayd khalad markeedii horeba sidaa oo ay tahay ayaa waxaa hadana maamulka looga baahan yahay kolka uu guul dareesto inuu mas’uulku uu isagu iska bilaabo oo uu ummadu u soo celiyo wixii ay ku aamineen ee ahaa mas’uuliyada balse in shacabka loogu marmarsiyoodo waxaan jirin ma haboona.
Malaaq Xasan Shure
Waa dhab inaad jeceshahay inaad ka mira dhaliso rabitaanka Shacabka K/G ee ah midnimo ku dhisan lix gobol taasina waa tan Asalka u ah ruux kasta ee leh qadiyad caadil ah oo ku qotonta rabitaanka shacabka,Ha yeeshee waxaa waxweyn ka khaldan qaabka aad u rabto inaad u maarayso caqabadaha ku horgudban gaarista hamiga ummadda ee ah inay helaan maamul dhulkooda oo idili u noqda hogaan.
Xilka aad u hayso ummadda ee ah Gudoomiyaha Golaha Guurtada K/G ma ahan mid aad ku fulin karto rabitaan shaqsiyadeed iyo mid kooxeed midna oo xilkaagu waxa uu ka dhigan yahay isusoo dumista ummadda K/G ee ma ahan sida aad u qaadatay oo ah inaad ummadda intii yareed ee laysu keenay aad ku kala furfurto iyadoo weliba ay kuu dheer tahay caadifad aan meel dheer jirin.
Golaha Guurtidu waa gole ku midaysan Salaadiin,Malaaqyo,Ugaasyo iyo Garaad oo wada reer koonfurGalbeed ah misna si toos ah ugu yimid beelahooda marka waxaa markale isweydiintu tahay Suldaan magaca beeshiisa ku metela masiirka beelaha K/G awooda aad kaga saari karto golaha!!
Isku soo wada duub labadan mas’uul ee maradu ka dhacday ayaa waxaan leeyayahay Qawmiyada Digil iyo Mirifle amaba tan guud ee reer KoonfurGalbeed Shaqsi ama beel la cadaaweysta inay wax u dhinto ma ahee waxba u soo kordhin mayso!
Abdiaziz Shsalah
Malaaq Xasan Shure wuxuu si toos aha uu ataggareyeey asagon magac shegin kuwi warqada saxixey wuux ku tilmameyna iyalsuuqyo waxay saxiixeen waxba kama jirto ayuu yiri. Khali ninka la dhahayo magacisa maba so qadin iyo Buwe iyo malaq kalena golaha waa laga sarey ayuu yiri. wax ben ahna kama shegiin xortoda Gesey iyo Sheino ayaa wasirnimadi ku wayeey, ayagana kama ficna. Malaqyadena malkoda waqtigoda iyo naftoda ayeey u hureen wadankasi gocankoda alleh ka sokow qofna kama hor imankaro.
Madoobe Nuunow waxaa madax martay jaceylka Mariixaan.
Biimaal oo 2 sano dagaal kula jiray Hawiye, 8 malaaq looga dilay K/galbed darteed, Maxay siiyeen? xataa hal wasiir ma siinin Biimaal.
Yaan been la isku sheegin Madoobe Nuunow isaga ayaa fashiliyey K/galbeed 6 gobol.
Mariixaan iyo Mirifle iyaga kaliya ayaa is aqoonsan, dadka kale sida Digil iyo Biimaal wax inay yihiin ma u arkaan.
Buulo Mareerow salaan ka dib. Beesha Biimaal qeyb weyn ayey ku leeyihiin K/G6. Waxaa la siiyey Madaxweyne ku-xigeenka labaad iyo laba wasiir waxaana arintasi loo wakiishay Abdullahi Sheikh Ismaciil asaga ayaa yiri ha la i sugo beesha ayaa la soo tashanaya. Abdullahi waxa uu ka mid ahaa dadkii K/G6 dhisay oo gacan weyn ka geystay. Sideedii nabadoon ee Biimaal lagu dilay Buurhakaba, marka ugu horeyso Allah ha u naxariisto, waxaa loo sameeyey taalo, iyo waxaa loo abuuray sideed geed mirood ah si ay u noqoto sadaqa jaariya oo ajarkiisa ayaga iska lrh ilaa maalinta qiyaamaha.
Mida kale Mdoowa Nuunow iyo Malaaq Hassan Shure wax ay fashiliyeen ma jirto. Waa la og yahay kuwa fashilka hore u wadeen, oo kala ahaayeen kuwo agents oo la soo dirsaday oo loo soo wakiishay khalidka dhalinyarada iyo qeyb malaaqayada ka mid ah labada dhinacba (DM) ma rabo in magayadooda halkan ku muujiyo. Calaa kuli xaal D/M wax maamul u dhismaayo ma jiraan. Waxaa lagu madadaalinaya 6 iyo 3. Xitaa hal loo ma rabo. Waad aragtaan markii aan diidnay 6 oon dooranay 3 oo fikrad daarood iyo hawiye na loo soo dhhibay ahayd, kolkii la ogolaaday 3dii waxaa naga daba yimid Sh/Hoose lama raacinayo Bay iyo Bakool waxaana arinkaasi ka soo baxay isla Villa Somalia. Waxaa intaasi ka sii daran Bakool oo qeybo la siiyey Police0ka Ogaadeen oo siyaasad dhul ballaarsi lagu soo geliyey. Xagee noo hartay Bay keligeedi oo ayadana goor isku qabsan doonaan 8&9. Xageen la tagnaa Bay? Ma Chile ayaan ku darsanaa mise Colombia?????
aniga fikir ahaanteyda malaaq shuuri uma arko qalad lkn dadka tashwiishka wadow jojiya isku diritanka shacabka k/g way guleysan di
ontaa ayadoo 6gobol ah hadey noqon weyso dhimasho ayaanu ka xignaa
C/casiis inkastooo aanan dhageysan hadal ka Malaaq Shurre hadana shaki iigama jiro Suldaan Buuwe iyo Wasiir Khaalid adiga D&M ayaaad sheegaysaa, ineysanba xattaa Soomaali isku arkin, marka sidaaas ayaa keentay iney weligood daba dhilif u noqdaan Hawiye iyo Daarood kii kursiga hadba kufadhiya, Tusaale Wasiir Khaalid wuxuu qabi jirey haweeney kasoo jeeda Jufada Mudolood oo Beesha Hawiye katirsan waa xiligii Cali Geedi Ra’iisal Wasaaraha ahaaa, kadib markii Cali laga taqalusey, islaantii waala furey, kadibna xiligii C/weli Gaas ayuu hadana sameeyey isla sidii Rawaaj Siyaasii waxa afka Carabiga lagu yiraahdo, Suldaan Buuwe waa NGO leey, waana raga farakutiriska ah ee ka macaasha dhiiga reer Sh/hoose, hadda wuxuu leeyahay National NGO oo loo yaqaan SHADI, taasoo halmarna la arkin amaba la maqlin iyadoo Reer Sh/hoose wax u qabaneysa…..
Comments are closed.