Reer Baydhabo oo joojiyay isticmaalka No-3 waa maxay sababtu?

3
58

calankaaynoMagaalada Baydhaba ee xarunta u ah gobolka Bay isla markaana ah xarunta KMG ah ee maamulka KoonfurGalbeed ee lixda gobol ayaa si weyn looga neceb yahay tirada saddexda ah, iyadoo marka aad dhex gasho bulshada degan magaalada Baydhaba, gaar ahaan maqaayadaha, Hoteelada iyo goobaha ganacsiga aan laga isticmaalin tirada saddexda.

Haweeney macallimad ah oo Muqdisho degan isla markaana diiday inaan magaceeda xigano ayaa xilli ay howlo shaqo ku tagtay magaalada Baydhaba waxay sheegtay in dadka degan magaalada Baydhaba aanay isticmaalin lambarka saddexda meel kasta oo uu soo galo.

“Maamulaha Hotelkii aan ku deganaa ayaa ii sheegay in qolka Lambar “No.3″ laga kireysanin muddo ku dhow laba bilood” ayay tiri haweeneydaan macallimadda ah.

Iyadoo ii sii faahfaahineysay sababta magaalada Baydhaba looga diiday isticmaalka tirada 3-da, waxay ii sheegtay in arrintaasi la xariirto aqoonsiga Dowladda Federaalka ee maamulka saddexda gobol isla markaana lagu mideeyay maamuladii saddexda gobol iyo midkii lixda gobol ka koobnaa.

“Dadka Baydhaba waxay jecel yihiin isla markaana taageersan yihiin maamulka lixda gobol ee uu Madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow” ayay tiri haweeneyda Macallimadda ah ee Baydhaba u tagtay howlo shaqo.
Dhinaca kale faquuqa maamulka saddexda gobol ee sababtay in reer Baydhaba xitaa ay diidaan isticmaalka tirada saddexda ayaa caqabad weyn ku noqoneysa maamulka saddexda gobol ee dhowaan Dowladda Federaalka aqoonsatay.

 

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. NIMA YAHOW DAFEET.COM DADKA QORAA MAXAAD UMADA ISLAAMKA AH EE MIRIFLE IYO DIUGIL BEENTA UGU SHEGEYSAN 3 GOBOL BAA DUNIDU AQOONSATAY WAXA KU XUKUMA WA UNISOM IYO UNITED NATION AMISOMNA WEY KU HAGTAA CAQLIGA BANI AADAMKANA WUU DIIDAN YAHAY IN MEEL UU MAAMUL KA JIRO AAD MAAMUL KALE DUL KEENTO SI DANTA GUUD LAGU GAARO SADEXDA 12 BILOOD KA BACDINA LIXDA HADDII KALE WANLE WEYN AYAAN WEYNEYNAA LA SOCDA

  2. war muxuu ku hadlayaa ninkan la magacbaxey AHmed shaafii,war anagaa balaayo aragney ,qashin walba wuxuu iska bilaabey inuu ka hadlo k/galbeed…anagu waxaan taageersan nahay madaxweyne midooba nuunow hadii mamulka ashraafta iyo dabadhilifkooda ay wataan uu la heshiin waayo Nuunow ma shaqeyn doono..

  3. Lixda Gobol, waa mashruuc Hawiye,, waa la Ogyahay inuusan Soconeyn,, ee waxaa la Rabaa oo kaliya, in kkhilaafka taagnaado oo aan shabeelaha hoose maamul loo sameyn.
    haddii beesha caalamka kuu oggolaatay in aad shabeelaha hoose maamul u sameysid ,,maxaa lagu diiday,, tan kale ,, mar kasta baydhabo waxaa looga dhaaranaa, maamulka saddexda Gobol,,, mana Maqlaysid iyadoo laga hadlaayo, maamulka shabeelle state,,, ama Axmed diiriye…..warku waa cadyahay…

Comments are closed.