Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, iyadoo intii howlgalka uu socday lagu soo qab-qabtay dad Shabaab lagu tuhmayo.
Howlgalkaan ayaa biloowday xalay fiidkii, waxaana ciidamada ay ku baarayeen xaafado kamid ah Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Xaafado kamid ah Degmada Yaaqshiid oo inta badan ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.
Intii howlgalka uu socday ciidamada ammaanka Dowladda waxa ay soo qabteen saddex ruux oo sida la sheegay ku sugnaa meel ciidamada rasaas looga soo riday intii howlgalka ay kuguda jireen.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee howlgalkaasi horkacaye, weli faah-faahin kama aysan bixin howlgalkaasi xalay laga sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.
Daafeet.Com