War Deg Deg Ah:- Xildhibaan Maanta Lagu Diley Degmada xamar Weyne Ee Magalada Muqidhso

2
63

breaking nWararka naga soo gaaraya magalada muqdisho ayaa sheegaya in Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya mid lagu dilay halka mid kalena lagu dhaawacay.

Rag xiran Direeska ama tuutaha ciidamada Milateriga ayaa rasaas la dhacay Xildhibaanadaan oo kasoo baxaye halka ay ka degan yihiin Degmada Xamarweyne.

Xildhibaanka la xaqiijiyay inuu dhintay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan Maxamed Xasan Xayd, halka Xildhibaan C/laahi Axmed Xuseen Coonka isaga oo dhaawac garaab ah laga qaaday goobta.

Raga geystay dilka iyo dhaawaca Xildhibaanadaan ayaa goobta ka baxsaday sida aan wararka ku helayno, iyadoo Xildhibaan Coonka oo dhaawac culus qaba goobta laga qaaday.

 

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. Dilkaas waxaa ka dambeeyey Nabad-diidyada Xaad iyo Axmad Diiriye, kuwaas oo beryahaanba waday hanjabaadyo

  2. Xildhibaan Maxamed Xasan Xayd waxa dikiisa ka danbeyay Beeshii Habar Gedir. Hadda ka hor ayaa Habar Gedir u hanjabtay.

    Warkaas waa run ee Soomaalidu ha ugaato.

Comments are closed.