Laba Ka Tirsan Ciidanka Ilaaliya Wadooyinka Oo Maanta Lagu Toogtey Degmada Waaberi

2
73

tarafikoKooxo hubeysan oo watay gaari kuwa raaxada ah ayaa maanta ku toogtay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir laba askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada waddooyinka ee Taraafikada.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu falka ku hacay ayaa sheegay in kooxaha dilkaan geystay ay kasoo dageen gaari ay wateen dabadeedna ay toogteen labadan askari oo markaas fadhiyay darbi si ay ugu nastaan.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay si isaga tageen goobta, iyadoo aysan jirin cid daba gashay, waxaana maydka askartan goobta ka qaaday goor dambe ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka labadan askari ee taraafiiga ahaa iyadoo tani ay muujinayso in Al-shabaab ay weli awood u leedahay inay falal amni-darro ka geysato magaalada Muqdisho.
Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. waa inay madaxweynaha iyo reysal wasaare madax diir isu casilaan ,barlamaanka hadday ku fiirsadaan sidan wax ay la ‘argagaxaan ayaa ku soo fool leh intii goori goor tahay sida uGu dhakhsiyaha badan ay u fariistaan oo ay moo shin ukeenaan, waayo wasiirkii shalay ku fashilmay wasaaradda amniga in maantana loo doortey la taliyaha madaxwenaha arimaha siyaasadda , maxaad su gaysaan waa idinkoo jamaaci laydin gumaado , soomalidu waxay tiraahdaa nin sigtey manoole, waryaa waad hurdaysaan dibitaatiyaal kaco oo iska qabta dawladan fashilka ah.

  2. War hee dhaha, tani kadaroo dibi dhal noqotey.
    Sheekada shabaabka ka weyn. Dawladdanu nimanbaa xaaraan ku heysto oo xog ku jooga koonfurta waana nimanka hubka ku heysta Somalia o dawladdana gumaaaya oona la yaqaan oo dano gaar ah ku wata inay waxyaalahan sameeyaan iyagoo dhahaya shabaab ayaa loo saadin doonaa malaa shabaabkana iman baa ugu jiro markiiba qiranaya brobagaandadu way iska badantahay, ee waxaa nala gudboon in anan raadku daba socon inagoo libaaxa arkeyno.
    Sheekadadunu waxaa ka danbeeyo nimanka hubkaku heysto wadanka oo hawiye ubadan oo ay habar gidir u hooyo tahy.
    Dawladd n la bedelo waxba keeni meyso ee waa in Hubka laga qaadaa dadka oo hub aruurin la sameeyaa.
    Taasina waxay ku imaan kartaa iyadoo ay umaddu kacdo, kacdoonkaas oo ku saleysay isku duubni iyo meel uga soo wada jeesad in hubka la`aruuriyo oo aan loo kala fiirin yuu yahay, waana la yaqaanaa dadka hubkaheysta,
    qorigana lag mam nuuco magaalada.
    Hadaynu dawladdu arimahaan sameynin waa dawlad aan wadanka maamuli karin oo dulmi ku saleysan.

    Mahadsaidiin

Comments are closed.