Qarax Maanta Ka Dhacay Meel Ku Dhow Xarunta Baarlamaanka

1
45

qaraxQarax xoogan ayaa goor dhaweyd ka dhacaymeel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, halkaasi oo maanta ay ku shirayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Qiiq madoow ayaa cirka isku shareeray qaraxa kadib, waxaana la maqlayey rasaas aan la ogeyn cida ridaysay, balse loo malaynayo inay ridayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan nawaaxiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, balse si xaqiiq ah looma haayo wararkaasi.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. maxaad sugaysaan xaalku waa kadarahayaa, maalinwalba , haddii aad aamusnaatiin oo aadan qadin talaabo ku wajahan madaxda sare waa mesha ay sartu ka quransantahay , ilee ratiga dambe wuxuu saan qaad kiisu lee yahay ratiga hore, kol haddii madaxdii sare wax qabadkeedu sidaan uu yahay aysana rabin in ay kursiga baneeyaan kol haddii ay fashilmeen idinka xildhibaanadiina ayaa laydinks rabaa inaad ka tuurtaan intay goori goor tahay.

Comments are closed.