Afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Dheere oo Sheegey Iney Sii Wadi Doonaan Weerarada Ka Dhanka Ah Xukuumada

0
64

tuugiiAfhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah dowladda Somalia iyo beegsiga taraafikada iyo xildhibaannada baarlamaanka.

Sheeh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inuu ahaa mid ay ku doonayeen inay cagta ku mariyaan fariisimo ay ku sugnaayeen ciidammo loogu talo-galay inay ilaaliyaan dhismaha baarlamaanka Somalia.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa xusay inay weerarrada qaraxyada ah sii wadi doonaan inta ay ka burburinayaan dhismaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay goob lagu dajiyo sharciyo kasoo horjeeda kuwa Alle,

“Ciidamada dowladda waxaan ugu baaqayaa inaan laga dhigan xayn-daab, waayo markii danta la leeyahay lagu gaaro waxaa la idin leeyahay innagu waxba idiinma dirsan – sidii horay loo arkay. Ma doonayno dhimashadiinna iyo dilkiina, balse tan keliya ee aan idin ku haysanno waa inaad gaallo ilaalo u noqoteen, haddaad kasoo laabataanna waxba idiin ma dhibayno,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa digniin u diray ciidamada Taraafikada oo uu sheegay inay marar badan ka leex-leexdeen, balse wixii hadda ka dambeeya aan laga leexan doonin, isagoo ku sheegay in haddii jidadka lagu arko la dili doono.

 
Daafeet.Com