
Gobolka Gedo maamul iyo nidaam ayaa ka dhisan,waxuuna si buuxda u hoos tagaa ayuu yiri Dowlada dhexe ee Soomaaliya, mana garanayo meel Gobolka Gedo uu uga mid noqdey Maamulka KMG ee Jubba, sida lala socdana shirarkii ka dhacey Dolowna kama soo bixin natiijooyin wax ku ool ah, maadama Qodobadii lagu heshiiyey la buriyey.
Jebinta Qodobadii lagu heshiiyey shirarkii ka dhacay Baladxaawo iyo Dolow ayuu ku eedeeyey Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga oo dhowaan booqdey magaalooyinkaasi, islamarkaana uu kaga qeyb galey dadaaladii nabada, isagoona kaliil sheegay Wasiir ku xigeenku inuu si buuxda uu ula saftey dhinacii lagu eedeynayey Colaada Baladxaawo.
Halkan ka dhegayso