Dad gaaraya 18 Ruux ayaa xaley lagu diley magaalada dhanka xeebta ku taala ee Lamu, halkaasi oo Alshabaab bishii lasoo dhaafay ay ku dileen ku dhawaad 60 ruux oo ku sugnaa deegaankaasi.
Hayada masiibooyinka qaranka dalka Kenya ayaa ku sheegtay qoraal kooban in weerarka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hindi oo ku dhow magaalada Mpeketoni, halkaasi oo dilal kala duwan horay ay kaga dhaceen.
Saraakiisha amaanka ayaa sidoo kale sheegay inay xaqiijiyeen amaanka goobta weerarka uu ka dhacay, laakiin kama aysan hadlin qasaaraha heerka uu gaarsiisan yahay.
Afhayeenka dhanka howlgalada Alshabaab ayaa sheegay inku dhawaad 18 ruux ay ku dileen weerarkaasi ka dhacay meel ku dhow degmada Lamu, isagoo ku sheegay weerarka inuu ahaa mid rogaal celin ah.
Daafeet.Com