Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay inuy jiro guddiga adeega Garsoorka dalka, iminkana aan loo baahneyn in lasoo magacaabo Guddigaasi.
Ilka Xanaf, ayaa wuxuu sheegay in Guddigaan uu jiro uuna kamid yahay isaga iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, laakiin hada aysan muuqan baahi ama sabab keeni karta in Guddigaan lasoo magacaabo.
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka, ayaa sidoo kale sheegay inuusan jirin meel Dastuurka uu kaga qoran yahay in Wasiirka Cadaalada uu soo fara gashto arimaha Garsoorka ama uu soo magacabo Gudiga adeega Garsoorka dalka.
Wuxuu tilmaamay in ay kala duwan tahay shaqada saddexda hay’adood ee tiirka u ah dowladnimada, sidaas awgeedna aan loo baahneyn inay hay’ad faragashato shaqada hay’ad kale.
Daafeet.Com