Degmada Afgooye oo Noqotey Xero Lagu Ugaarsado Ciidanka Dowlada

0
128

deg AfgooyeWararka ka imaanaya Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ugaarsiga ciidamada dowlada uu ku batey, 48 Saac oo la soo dhaafay waxaa degmada afgooye lagu dilay 4 Askari oo Ciidamada Dowladda ka tirsanaa iyadoo sidoo kale ay ka dhaceen Qaraxyo lala beegsaday Fariisimo Ciidan.

Dilkii ugu Dambeeyay ayaa xalay ka dhacay Degmadaas Bartamaha suuqa Hiliwaa Ee Afgooye Halkaa oo ay ka baxsadeen Ragii Toogtay Askariga waxaana uu ka mid ahaa Nin la dilay Booliska Degmada.

Booliska ayaa saaka lagu arkayaa Xaafado ka tirsan Degmada afgooye iyaga oo baaritaano ka wada ay ku baadi goobaya Ragii Xalay Dilka u Geestay Askariga Dowladda Somalia ka tirsanaa.

Dhanka kalena labo Qarax ayaa xalay laga maqlay Degaanka Mukayga oo dhanka galbeedka ka xiga Degmada Afgooye Halkaa oo ay Fariisin ku leeyihiin Ciidanka Dowladda.

 
Daafeet.Com