Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, laba wiil oo ay ku eedeeysay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynayay dowladda Soomaaliya.
Fagaaraha uu dilku ka dhacay ayaa waxaa la isugu keenay boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool degmadaas, iyadoo ay hadallo ka jeediyeen xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo sheegay inay sida cawoga oo kale ula dagaalami doonaan jawaasiista ku dhex-jirta.
Labada wiil ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray; Siciid Xuseen Cali oo 26-jir ahaa iyo Cabdi Xasan Xuseen oo 19-jir ahaa, kuwaasoo garsooraha ku riday xukunka uu sheegay inay muddo la shaqeynayeen nabad-sugidda iyo booliiska dowladda Soomaaliya.
Dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab oo wajiyadu u xiran yihiin ayaa labadan wiil ku fuliyay xukunka dilka ah, iyadoo uu dilka kaddib hadlay guddoomiyaha u qaabilsan Al-shabaab gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo sheegay in labadan wiil ay soo qabteen ciidamada Al-shabaab ee amniga qaabilsan.
Tan iyo markii uu billowday sannadkan ayaa waxay Al-shabaab ku toogteen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose in ka badan 10-ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynaya dowladda Soomaaliya.
Daafeet.Com