Gudiga u xalaaleynta Maxaa tiriga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya “Mailand”:

4
135

calankaaynoDorraad waxaa lala tagey Jubba, Shaleynah Sh/hoose, Maantana Bakool, Berrina Baay, sheekaduna waa bye bye D+M+Biimaal

aan is weydiinee? Maxaa dulliga ina badey, maxaa dhaman inaka dhigey, dareenkii maxaa la tagey ‘ereyadaan waxay kamid ahayeen heestii Cabdi Muxumud Amiin’.
Maxaa geyigeenna deris kala dhigey dhibaato aan kala go’ laheyn? waa sheekadii Shube (2007) is weydiiyey “Duruufaha maanta yaal; dhibtaan la dayaysan nahay; da’deen inalama qabtee; dalkeenna maxaa ku furey”.

(Ma beddelento taariikhdu in aad bi’iso mooyaane
Haddii aad bar gooysana in ay bayrto haw filine
Bog hadaad rogtaba Baal kalay kaaga soo bixiye) Khaalid Cali Guul.

#Xubnaha sida ay Beelaha ukala heleen: Mirifle 6 Xubnood, Digil 4 Xubnood, Hawiye 3 Xubnood, Dir/Biimaal 3 Xubnood, Daarood 1 Xubin, Beesha Shanaad, 1 Xubin
:. 6+4+3+3+1+1= 18 Xubnood.

#Shaxdaan waxaa ku cad in Shabeelada Hoose, Bakool iyo Bay ay u simanyihiin Biimaal iyo Hawiye, Tusaale Biimaal 3 Xubin, Hawiyana 3 Xubin, marka halganka Biimaal waa Hal bacaaad lagu lisey, mar haddii iyaga iyo Hawiyaba u simanyihiin Sh/hoose, waa halku dhigii ahaa “Ruqo dabada laga fuushanyahay, ruuxna kicin waaye”.

#Shaxdaan waxaa ku cad Digilka kunool Sh/hoose oo leysku geeyay ay lamid yihiin Hawiyaha kunool Sh/hoose, macnaha Digil 4 Xubin kajar Hal Xubin oo Diinsoor Dabarre, Baay ah = Digilka Sh/hoose 3-Xubin, Haawiyana 3-Xubin. “Waxaan ahay nin arkaya, waxaan uunka u jeedine, aan ooyee Albaabka ii xira”

#Shaxdaan waxaa kucad in Dadka Miriflaha oo leysku geeyay ee 3-da Gobal kunool in dad u dhigma Barkooda oo Hawiye ah kunoolyihiin 3-da Gobal, macnaha 6 Mirifle ah Barkooda waa 3 Hawiye ah. Aqristoow xasuusnow “Quruumaha danbaa kugu Naclada ficilka qaarkiise”.

#Shaxdaan waxaa kucad in DM & Biimaal lagu heysto Sh/hoose, Bakool iyo Bay, lagama hadlaayo 2-da Juba iyo Gedo, Tusaale Digilka Sh/hoose 3-Xubin, 1-ka Xubin oo kale Dabarre oo Baay ah, Biimalna 3-Xubin, Hawiye na 3-Xubin, tani waxay lamicno tahay, Sh/hoose waxaa wada dega 3-Qabiil oo siman iyo Qabiil ah 0.3. walaal ogow “Daar bur-burtey in la dhiso waa fududdahay, Damiir bur-bureyse in la dhiso ma fududa”

#Shaxdaan waxaa kucad in Daarood wax ku leeyahay Bakool, weliba ay kayihiin 25%, Tusaale: Mirifle Wuxuu helay 6 Xubin, 3-Baay ah iyo 3-Bakool ah, 3-da Bakool kudar Halka Daarood/Ogaadeen, waa Afar Xubnood oo Bakool ka timid, marka 100/4=25, sikale hadaan udhaho 1/4=0.25 u badal boqoleey oo kudhufo 100 waa 25%, ilaahey amarkiis.
# Rugta aan ka fashilanahay waatan “Raggii madaxdu ka xumaato waa marin habaabaaye, Teersana rag aan baran haddii talada loo dhiibey” tani waxaan u iri xaga waxbarashada, Fadlan baaritaan ku sameeya Aqoontooda mas’uuliyiinta DM matasha min Tuulo, Degmo, Gobal, Xubin Barlamaan, illaa Wasiir iyo kuxigeen, waa 4% illaa 5% ayaa Dugsi Quraan iyo School tagey, marka maxaan ka fileynaa Shaqsi Jaahil ah, Xaasid ah, Fuley ah, Doqon ah, Sheegad ah macnaha reerakale AMA Dalkale sheeganaya sida waxa loo yaqaan ‘Geegii mariidi’, Faqiir ah, Maangaab ah? Aqristow waxaan kuleeyahay
“Waxaan ahay xog-ogaal; hir fog baan arkayaa; orna waan maqlayaa; waxna way urayaan”.

#Shaxda waxaa kucad in Madoowe Nuunow dadaaley balse waxbadan qaldey, qaladkiisana waxaa ugu weynaa imaanshihiisii Xamar.

Dhanka kale:

#Shaxda waxay na tuseysaa Qaa’inimada, Xaasidnimada Xiqdiga kudheehan ee ay sameeyeen: Wasiir Khaalid Cumar Cali, Wasiir kuxigeen Ibrahim Isaaq Yarow, Wasiir kuxigeen Cabdalla Xuseen Cali, waxaan leeyahay Gudoomiye Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaahir”Talo hoogtey, waayeel horkacey ayaa tahay” iyo Suldaan Buube. “Ninkii Timir abuuriyo; ninkii Tiin tallaalaba; taariikhda yaa werin”.

#waxa na heysta waxaa Koow ka ah HOGGAAN xumi, haddaan ka fiirino dhinaca Diinta Islaamka, HOGGAAN ka xumi Wuxuu kamid yahay calaamadaha Qiyaamaha. Sida kusugan Xadiith uu soo guuriyey Muslim, uunka wariyey Abu-Hureyra, “Maalin ayaa Rasuulka (SCW) oo la hadlaya saxaabada, ayaa nin reer baadiye ahi Rasuulka (SCW) weydiiyey ‘Goormee Qiyaamaha dhacayaa? Rasuulka (SCW) markuu hadalkii dhameeyey ayuu yiri, “aawey qofkii su’aasha qabey?” Ninkii ayaa yiri waa ikan Rasuulkii Allow.
Rasuulku (SCW) wuxuu yiri, ” marka daacadnimada la waayo, filo Qiyaamaha”. Ninkii Wuxuu yiri “sidee daacadnimada loo waayaa?” Rasuulka (SCW) wuxuu yiri “marka awooddu gacanta u gasho dad aan mudneyn, filo Qiyaamaha”. Dadka aan mudneyn sida culumo badani ishaareen waa HOGGAANADA XUN-XUN.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay KG-3 “maxaad noogu dhalateen kuwii hore ma dhaantaane”.

Filasho Qormo cusub oo kahadleysa “isbaaro State” waa qolada isku magacaawdey SHARELLE State oo aan u bixiyey “Tukaloo kadaran KG-3”

 

W/Q: Fatxi Xaaji “Nin culus”.

4 COMMENTS

  1. Aduunka waxaa uku xun nin ismoodo inuu wax saxayo balse wax qaldayo biimaal iyo hawiye yaa kubadan 3 gobol ee kgalbed somalia bal xisaabi inta hawiye ka degan markaas runta kahadal

  2. inta aad qortay aan ka soo qaato kaliya Awooda markii u Gacan Gasho Dad aan mudneyn xadalkaas waa Run manta somaliya amaano amni ala ka cabsi intaba ma jirto waxaana sabab u ah 3 daxda masuul ee somaliya ayaan u Qalmin masuuliyada ay hayaan waa kuwii laga Duceysan jiray waa kuwii astaanta u ahaa Qiyamaha imanka ayaa ilahay ka Qaaday ala ka cabsi kuma jirto Xaq Haba sheegin Xaqdaro ayey Howshoda Noqotay alow Horteena ka Dhaqaaji kuwo ka Qeyr Roona Nogu Bedel umadadii waxay u Horseedayaan Dagaal sokeeye oo Horleh
    MIDA KALE Dhulkena waxaa Qofwalba uga soo xanqal Taagayo mushaakilna uga Dhamaan wayey anagaa noo kulantay Nacasnimo duli nimo daacad Daro. kii masuul noqdo Daacad uma noqdo dadkisa iyo dadkiisa kii maal Hela Baqiil ayuu ilahay uga dhigay Dadkisa iyo Dalkiisa kii Hogaan shacab Noqdana dulinimo ayuu Kuraadiyaa waxa xaqa u leyahay. Bulshadiina waxay Baqiil ka noqdeen Jeebka intaas ayaa sabab U ah in dhulkeena id walba in ay soo Damacdo Duli nimada alow Naga bixi duul Darajo doon ahayn noo keen bulshayahay jebkina U fura Dadkiina iyo dadkiina

  3. Fatxi waa ku salamaaay qormadaada waxa iga muuqda inaad tahay qof karti leh aqoon leh, damiir leh, dhiig xalaal ku jira weliba masuul ah inaad tahay waxa aad noo shegtay ka badana aan sugeyno haduusan alla naga badbadin, iyo hadaanan loo kicin, Aniga hadalkayga waxan kusoo gunaanadayaa aaway digil iyo miriflaha dhabta ah muxu umuuqan la’yahay digilka ama miriflaha xalaasha ah waa mahadsan tihiin

  4. waryaa (Abgaal) Dameerle waxaan fahmi karno kahadal, meeshaan wax cad ayaa la keenay, waxaan kayaabey habka loo qorey Qormadaan, run ahantii waxaan u baahanahay qof sidaan oo kale wax u yaqaan, waxna usoo gudbin kara

Comments are closed.