Kalfadhigii 4aad ee Gololaha Baarlamaanka oo Maanta Lagu Wado in lasoo Gabagabeeyo

0
66

barlamanka-cusubWaxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya lagu soo xiro Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan maanta ka dhacaya Baarlamaanka ayaa lagu soo gabagabeyn doonaa Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu soo xirayo kalfadhigan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ammaanka agagaarka Madaxtooyada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala Madaxtooyada iyo mida hormarta Xarunta Baarlamaanka dalka lagu xiray gaadiidka gaashaaman ee Dowladda iyo kuwa Amisom.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa geliya fasax labo bilood ah, waxaana Baarlamaanka horyaala shaqooyin kala duwan oo ku aadan meelmarinta Shuruuc badan oo dalka u yaalo.

 

 

Daafeet.Com