Bilowgii bishii July 2013 waxay aheyd xilligii ay odayaasha dhaqanka ee Koonfurgalbeed bilaabeen dadaalo lagu dhisaayo Dowladd Goboleedka Koonfur galbeed ee lixda gobol Bay, Gedo, Jubadda Hoose, Bakool, Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose (Formation of Souh West Sate Somalia).
Waxaase xusid mudan, in dadaaladaas ay bulshada koonfur galbeed oo ay aayahooda uga tashanaayeen, ay odayaasha dhaqanka ee koonfur galbeed wadatashiyo farabadan kala yeesheen arimaahaas inta badan siyaasiyiinta ka soo jeeda koonfurglabeed iyo weliba dowladda federaalka Somalia.
Durbadiiba markii la ogaaday shacabka koonfur galbeed, inay ka go’antahay in ay aayahooda ka tashadaan ayna rabaan inay dhistaan dowlad goboleed, nasiiibdaro waxaa markiiba bilowmay dhaq dhaqaaqyo loogasoo horjeedo dadaalka odayaasha.
Waxaa soo baxay kooxo siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda inta badan beelaha Digil iyo Mirifle oo diidan in maamul ay dhistaan shacabkooda koofurgalbeed.
Isla markiiba waxay ka garab fureen shirar kale, waxay abuureen dib u dhac iyo qilaaf aan loo baahnaeyn. Waxaa arimahaas ka faa’idaystay qof kasto oo kasoo horjeeday danaha guud ee ummada koonfurgalbeed, gaar ahaan, Digil iyo Mirifle.
Kooxdaas lagu burburinaayo masiirka ummadda KG waxaa loo soo adeegsaday inuu hor boodo ama hogaamiyo Xildhibaan Shariif Hassan iyo qaar ka mid ah xildhibaanada DM iyo wasiiro ku jira dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin Dr. Khaalid iyo Ibraahim Yarow iyo siyaasiyiin kale.
Waa adag tahay inta badan in ummadi ay gaarto hammiga ay rabto, hadii umaddaas dad ka tirsan dhexdeeda loo adeegsado in la isku burburiyo (Qaybi oo Xukun).
Inta badan, siyaasiyiinta hadda ee ku jira dowladda federaalka Somalia ee kasoo jeeda DM, ayaa u muuqdo kuwo aan lahayn hammi siyaasadeed ama dareen ku dhisan in umadooda ay ka badbaadiyaan dhibaatooyinka kale duwan ee haysta oo dhinacyo fara bada leh.
Waxaa kaloo la rumaysan yahay in siyaasiyiinta qaar ee DM ay u arkaan in hadii maamul awood leh ay ummaddooda ay dhisato ayaga ay daaqadda ka baxayaan oo aysan bulshada ku lahaaneyn wax saameyn ah.
Laakiin nasiib daro, taas arinta waa ka duwan tahay, oo taas bedelkeeda waxaan aaminsanahay in ay helayaan awood iyo sharaf ka badan tan maanta ay ku nool yihiin.
Dhammaan markaad dib u fiiriso, sida heshiiskii xaaranta ee Jubba ee ka dhacay Addissaba Agoosto 2013 iyo kii lagu sharaf dilaayay masiirka Shacabka koonfur galebeed ee ka dhacay Muqdishu June 23, 2014 waxaa dhamaantood goobjoog ka haa qaar ka mid ah siyaasiyiinta DM oo dhamaantood lahaa danno shaqsiyeed oo gaaban keliya.
Tan kale, inta badan lagama maqlo warbaahinta dalka iyo tan dibeddaba codka siyaasiyiinkta DM mana ka hadlaan arimaha guud iyo danta dadkii ay masuulka ka ahaayeen.
Qaarkood, sida Wasiirada DM inay jiraan iyo in kale shaki ayaaba dadka qaar ka gala . Sababta ay Wasiiradaan ama xildhibaanada DM meesha u joogaan, waa mid su’aal weyn ku jirta. Waa mid u baaban in bulshada inta nadiifka ay bilaabaan la xisaabtamid dhab ah dhamaan masuuliyiinta ka tirsan bulshada DM.
Waxaan ku talin lahaa, xildhibaanadeena iyo Wasiiradeena DM yaan loo eegin, aniguu ila dhashay, anaguu nagasoo jeedaa, maalin baan shaxaaday, isku qabiil baan nahay. Inta arimahaas ay jiraan wax horumar ah oo la gaari doono ma jiraan. Heerka maanta aan joogno , heer ka xun ayaa la gaari doonaa.
Dhinca kale, guulihii ay gaareen Golaha Guurtida ee Koonfur galbeed, oo maanta ah ha’,adda ama darajada ugu sareysa ee bulshada koonfur galbeed ee maanta jirta. Nasiibdaro Golaha Guurtida Koonfur galbeed kama helin garabkii looga baahnaa inta badan siyaasiyiinta koonfur galbeed.
Gaar ahaa, dhammaan wasiirada ku jira Dowladda Federaalka iyo xildhibaano badan oo ku jira Baarlamaanka Federalka, inta badan waxay noqdeen kuwa si cad ugasoo horjeestay shaqooyinka wanaagsan oo taaarikhda galay oo ay qabteeen Golaha Guurtida ee Koonfrugalbeed. Waxaa jira xidhibaano iyo Masuuliyiin DM oo tiro yar oo runtii halganka maamulka koonfurgalbeed ee lixda gobol si wanaagsan u taageeray, oo har iyo habeen u soo jeeda danaha dadkooda. Shacabka koonfurglabeed, waa ka warqabaa masuuliyiintaas (Libaax nin galay iyo nin galadeyba og)
Taariikdha Soomaalida laguma hayo, bulsho dhaqankaan oo kale lagu arkay, oo odayaashooda dhaqanka dhabarka aadiyay! Iskaba daa bulshooyinka qaar ee Soomaalida waxa ay leeyihiin Boqoro, Ugaasyo, Suldaano ama afhayeeno oo si cad mar kasto uga hadla danahooda, mana jiro siyaasiyiin dharka iska dhigay oo ka hor yimaado oday dhaqameedyadooda
Haddaan gudo galo muhiimadda maqaalkeyga, Prof Jawaari isagoo mar ka hadlaayay Baydhabo October 2013, waxa uu si cad oo aan gabasho laheeen u taageeray shirka koonfur galbeed oo Baydhabo ka socday.
Jawaari waxa uuna sheegay in ummadda koonfur galbeed ay xaq u leedahay inay aayaheeda ka tashato. Haddaba maxaa iska bedalay balantii uu qaaday Prof Jawaari.
Hadii aan tixraac u soo qaadano qudbadii qiimaha lahayd ee Jawaari markaas uu ka jeediyay Baidooa waqtigaas, Tix raac youtube: https://www.youtube.com/watch?v=g5zf4eee4eAProf. Jawaari waxyaabaha uu qudbadiisa ku sheegay waqtigaaas waxaa ka mid ahaa, in bulsho aan oday lahay aysan jiri karin iyo in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka laga dambeeyo, talooyinkoodana la qaaato.
Laakiin, haddaladii qiimaha lahaa iyo balanqaadkii Jawaari waxa ay noqdeen Hal Bacaad lagu lisay! Ugu dambeyntii Prof. Jawaari waxa uu dhulka ku jiiday sharaftii iyo qiimihii Odayaasha dhaqanka ee koonfur galbeed, ee uu Hogaamiyo Ugaas Hassan Shure, kadib markii uu ogolaaday shirqoolkii Ra’isul Wasaare Abdi Weli.
Nasiib daro, dardaarankii, balantii iyo dhiirigelintii Prof. Jawaari oo dad badan oo kasoo jeeda bulshada koonfur galbeed aad usoo jiitay waqtigaas, waxa ay ugu dambeytii isu bedeshay weel maran oo ilaa iyo hadda la garan la’yahay sababta isbedelkaan kediska ah keenay.
Taas waxaa loo fasiran karaa in Prof. Jawaari uu ku guul darastay in masiirkii umaddaan uu meel banaan ah uga tagay.
Hogaamiyaha dhabta ah waxaa markasto lagu gartaa xiliga dhibaatada ama xilliga kaleba inuu ummadiisa la yeesho wadatashi fara badan, oo ay yeeshaan go´aammo wada jir ah. Waxaan dhihi karaa Prof. Jawaari waxaa uu garabmarary ama gefay qaabkii laga rabay qof Hogaamiye ah (Leadership style is totaly missing).
Prof. Jawaari waxa u lumiyay sumcadii iyo haybadii hogaamineed ee xilligaan loo baahnaa in ummada koonfur galbeed lagu badbaadiyo.
Nasiib daro, Prof. Jawaari waxa uu marqaati ka noqday, in uu goob joog ka ahaado, shirkii lagu qeybiyay dhulka koonfurgalbeed! Shirkii loogu magacdary in lagu heshiisiyay KG6 iyo KG3, lakiin kaas oo ahaaa runtii faashilkii ugu xumaa oo ay soo marto siyaasadda taariikhda Digil iyo Mirifle tan iyo markii la dhisay dowladda Federalka Somalia Oct 2012.
Sharaftii Golaha Dhaqanka ee koonfur galbeed iyo rabitaanka shacabka koonfurgalbeed oo si aan geed loogusoo gaban ayaa loogu tuntay! Waa arin qof caqliguusa kaamil yahay oo siyaasi ama wax garad ah ay adagtay inuu ku dhaqaaqo.
Sidoo kale, arintaan ma ahayn, mid laga sugaayey Prof. Jawaari. Ilaa iyo hadda waxaa aan si fiican loo famhim, waxyaabihiii badalay fikirkii wanaagsanaa ee Jawaari ee ku aadanaa koonfur galbeeed.
Fadlan, si fiican u dhageysta, khudbadii uu jeediyay October 2013, Jawaari isaga oo la dardaarmayay odayaasha dhaqanka ee DM https://www.youtube.com/watch?v=g5zf4eee4eA).
Waxaa kaloo kasii darnaa, Prof. Jawaari uu ogolaado isla makaasna goobjood ka noqdo gudigii lagu dhisaayay Koofur galbeed KG3 oo ka koobnaa 18 qofood. Arintaaan oo noqotay mid lagu burburinaayay taariikhda degaanka dhulka dadka Digil iyo Mirifle iyo dadka la dego. Waxaa si toos ah, dhulkii digil iyo mirifle loogu qeybsaday, sidi Gumaysigii Yurub uu Afrika ugu qaybsaday 1884.
Dadka reer koonfur galbeed waxa ay degenyihiin Somaliya meelo badan, Sida Puntland, Somaliland iyo Gobolka Banaadir.
Iskaba daa in maamulka ay wax laga siiyo, wax cod ama talo haba yaraatee ay kuleeyihiin ma jirto dhulkaas. Waa maxay Sababta uu Prof. Jawaar arintaan u ogolaaday oo u doonayaa in uu u bedelo taariikhda dhulka soo jireenka ee Digil iyo Mirifle? Taas waxaan u daynayaa Jawaabteeda dadka taaarikhda iyo siyaasada ku xeel dheer.
Waxaan aaminsanahay oo aan maqaalkeyga kusoo gabagabenayaa, xalka keliya ee u furan Prof Jawaari iyo Siyaasiyiinta hore u dhumay waa in dhamaan ay u hogaansamaan talada iyo hogaanka Golaha Dhaqanka ee Koonfurgalbed iyo rabitaaanka inta badan shacabka koofur galbeed, si ummadda maslaxadeeda si waddar jir ah looga wada shaqeeyo.
Qore: Abdulkadir Abukar Sheikh
Xoghayaha Dalladda Koonfurgalbeed ee Sweden
Sydvästsomaliska Riksförbudet. (SRS)
sydvast.somaliska@outlook.com
22 July 2014
asc
aniga waxan raba in waxyar ku biiriyo talo horta waxad is weydisan qof walba oo ku abtirsada umada d/mirifle jawaari marki u noqonayey gudomiyaha baarlamanka waxa isweydinleh ma digil /mirifle aya dortey mise waxa kenay hawiye marka ninki dortey mantana hadu isbadel howsha u hayo ayu gabaya marka waxan idin shega iskadaya nimankan
falka noocaan ah sameyn Tiisa jawaari uguma Horeyo ee waa u aado Dadka miriflaha in sidaan ay sameyaan mar dadkoda iyo degankoda dagaal adow Haku Hogamiyano marna umada laha maran habaabiyo kan waaba Ron yahay Hadiiba Qabiil kale kuu seegan kuwa ka horeyey d&m nimada ayeyba didi jiren oo rerkale ayaayba la soo bixi jireen umadan D&m waxaan kama Naxayaan Qofka asaga ayaa u Daran oo ugu Danbeyntiina eedaya kana asagaa edayo Hadi umadan masaakiinta is yiri dhulka waa ku badan yahaye sedex moolood labo meel dad kale hala siiyo Qofkii u Daran tahay aan arkeynaa aado ayad u leedihiin sidan iyo si ka xun
Comments are closed.