Baydhabo oo maanta kusoo fool leh Geeseey iyo kooxdiisa.

8
82

gertWararka ka imaanaya magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxay ku waramayaan in caawa labada magaalo uu ka kala socdo diyaargaraw iska soo horjeeda oo ku aadan wafdi ka kooban qaar ka mid ah xubnihii ay dowlada fedraalka u magacawday soo dhisida maamul goboleedka KoonfurGalbeed ee sedexda gobol oo Baydhabo ku soo fool leh maanta halka maamulka KoonfurGalbeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Madoobe Nuunoowna ay qaban qaabo xoogleh oo ku aadan inay is hortaag ku sameeyaan wafdigan uu ka socdo magaalada Baydhabo iyadoo sida aan wararka ku halayno la diyaariyay boorar lagu qoray erayo looga soo horjeedo wafdiga sidoo kalena taayaro iyo dhaqxaan ladoonayo in wadooyinka Baydhabo lagu gubo laguna xiro si aan wafdigu u soo galin magaalada.

Sidoo kale ayaa xubnaha wafdiga ee tagaya Baydhabo kana soo duulaya Muqdisho ayaa waxay ka kooban yihiin 11 xubnood oo ka mid ah 18kii xubnood ee ay dowladu magacawday samaynta maamul ay yeeshaan gobolada Shabeelaha hoose,Bay iyo Bakool waxaana xubnahaan horkacaya CabdiFataax Maxamed Ibraahin Geeseey.

Si kasta oo loo dhigaba imaashiyaha wafdigan uu imaanayo magaalada Baydhabo ayaa waxa uu u muuqdaa mid keeni kara isku dhac aan marka danbe jiri doonin cid xakamayn karta.

8 COMMENTS

  1. Waqtiga sidiisaba wuxuu ku baraa waxyaabo aadan baranlahayn ilaa waqtigii ay bilaabatay musiibadan ssoomaaliya ku habsatay ku dhowaad 24 sano waxaa laga yaabaa dad badan inaysan waxba aysan ka faa’din oo ay u tahay wax larkay oo meeshooda lagu dhaafay balse aysan unoqonin cibra qaadasho
    dhowr iyo labaatankaas sano ee aan burburka ku jirnay soomaaliya waa lagu dhex jiray xal ayaa loo raadinayay , markaa su’aashu waxay tahay maxaa xalkii intaas waqti lagu lumiyay hanti farabadana lagu dhumiyay maxaa xalkii loo gaari waayey , waa su’aal u bahaan in laga jawaaabo, jawaabtu aniga waxay ila tahay in aan la’abaarint xalka meesha uu ku jiro, hadda haddii aan u soo noqdo barnaamijkan ay horboodayso dowlada federaalka oo ay u adeegsayso dad aan tala kago’in oo xaaraan iyo khiyaamo lagu soo aruuriyey ,in ay maamul gobaleed usameeyan umad aan lagala tashnin dadkeedii mas’uul ka ahaa intii kuwa la ogyahay feelakoodu wuxuu yahay iyo waxay ka yihiin umadda dhexdeeda ninkii mooday inay xal u keenayo umaddan maxaad ku qiyaasi kartaan ? anaga iyo rabigeena na abuurtayna og inaysan xal u keenaynin umaddan ku dhaqan koonfur galbeed, aan ka ahayn in ay dhibkii nagu sii dheereeyaan mooyaane ,Aawey qabqablayaashii awooda badnaa e dulmiga umadan ku haayay , kuwa maanta isku sheegaya in yihiin dowlad waa kuwii qabqablayaashii weji kale ku yimid weeye waana hubaa waxa ay wadaan inaysan umaddan xal u noqon doonin weliba laga yaabee khiyaamada ay wadaan in ay ayagu ladekto waayo xaq ilaaha u wakiil ah

    fiio gaar ah : taageerayaash K/G ee -6 waxaad ogaataan in aad xaq ku taagantihiin, ilaahna uu idinla jiro ee adkeeysi iyo cabsi ilaah iyo sabir hala yeesho tani waxay kamid tahay jihaadka waxaana ku soo qatimayaa ducadan marwalbana ku duceeya salaadaha maghrib iyo fajirka dabadii
    اللهم من أراد بنا سوء فأشغله في نفسه.. ورد كيده في نحره وأجعل تدبيره تدميرا له يارب

  2. kuwan ku wii wadanka gatay ee hadii digil iyo mirifle katashan waayaan waxay rabaan waa usuurtowdee ogaada adinka iyo gabdhihiinana way idiin gadanaayaan

  3. Salaama Rabi haku geeyo,Baydhabo,Insha-Allah.
    Reer Mirifle,waxeey Dusha ku wataan MAREEXAAN oo shalay wixii ay ku dhigeen la ogaa,oo ay BAKAARTOODA,ka faagteen,wixii ay qaadi waayeena Dab qabad siiyay,heer ay MAQAAR-cunaan gaarsiiyay,ayaaBaydhabo Maanta Caana-mac ku siinaaya waxeey rabaan in ay reer Shhoose Dadka la dago ay cadaw ugu dhigaan,Habar-gidir Biyaha wabiga Shabeelle Gal-gaduud uma Dhaansanin,inta Mareexaan ku sameeyay Reer Mirifle kuma sameeynin Hgidir reer shhoose,waxaan leenahay waxaad wadaan waa diidnay Maya…Maya.mayeey..!

  4. Fikirka saliimka ee md.Ruk-cadaa Shariif xasan,iyadoon Dhibic Dhiig ah daa danin ayeey,Guuleeysaneeysaa …..GUUL….GUUL.!

  5. ma u maleeynaayo on ay keeneyso isku dhac ah maxaa jira dadkuu manta wey bisilyihiin ee nin daneeysta ah oo oorka ku kac sanaayo ha lagu arko iyo ha lagu barto leh cidna u dalalami mayso sida geesay shine madoobe madeer iyo shure toona. waxaa lagaaray biseel.

  6. magacaygu wa maxamed nugler waxan leyahay kuwa donayo inay burburiyan maamuka 6da gobol iska so ceriya ilahay mashaqo haku rido

Comments are closed.