Dhegayso..Boqolaal Qoys oo ku Barakacay Dagaalo ka dhacay deegaano hoos taga Garbahaarey

0
70

qaxku dhowaad ilaa 300 oo Qoys ayaa la sheegayaa in ay ku barakaceen Dagaalo bishii la soo dhaafey ka dhacay Tuulada Reysqode oo Garbahaarey u jirta ilaa 15km ,dhanka koonfur galbeed,qoysaskaasi oo isugu jira Xoola dhaqato iyo Beeraley ay saameyn ku yeelatey Abaaraha iyo Colaadaha ayaa u kala firxadey dhulka miyiga ah ee ku teedsan Garbahaarey.

Qoysaskani oo dhowaan ay saameeyeen dagaallo ka dhacay deegaankaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo ALshabaab ayaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay la soo deristey dhibaatooyin isugu jira Gaajo,Caafimaad daro,Hoy la,aan iyo Biyo la,aan.

Cabdi Maxamed oo ah Gudoomiye Ku xigeenka Tuulada Reys qode oo Wareysi siiyey Warbaahinta Wadajir ayaa ka deyriyey xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin Boqolaal Qoys oo ku barakacay dagaalada ,kuwaasi oo weli dib aanan ugu soo laaban guryahooda,waxuuna sheegay Qoysaskaasi haddii aanan gurmad bini,aadinimo lala soo gaarin in ay qarka u saaran yihiin in ay dhintaan Gaajo iyo Macaluul.

Halkan ka dhegayso Wareysiga

Wareysi Boqolaal Qoys oo ku Barakacay dagaalo ka dhacay Tuulada Reysqode oo dhiban