Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii kordhayaan dhibaatooyinka abaareed iyo mida nolol xumo ee ka taagan qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo ayaa saacadahii ugu dambeeyey waxaa la xaqiiyey in ay gaajo iyo macaluul ugu dhinteen Xaafada Bandar wanaag ee ku taala degmada Luuq labo Caruur ah oo ka soo jeeda Qoysas beeraley oo dhowaan ka soo barakacay degmooyinka Waajid iyo Xudur.
Bishaar aden oo ah Madax Arimaha Bulshada Maamulka degmada Luuq oo la hadlayey Radiyaha ERGO ayaa sheegay geerida labadaasi Caruur ah in ay jiraan kuwo kale oo la liita nolol xumo,isagoona sheegay maalmahii ugu dambeeyey degmada in ay ku soo badanayeen Qoysas aad u liita oo ka soo barakac degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool.
“ilaa iyo hadda ma jirto cid wax u qabatey Qoysasna ku dhibaateysan deegaanka oo u badan Barakacayaasha,waxaana isku dayeynaa sidii hay,adaha Samafalka iyo NGOyada ku sugan deegaanka ay ugu gurman lahaayeen Qoysaskan faraha badan,maadama xaaladu ay taagan tahay meel halis ah oo dadku ay i dhimanayaan Gaajo iyo Macaluul sidaasi waxaa yiri Mid ka mid ah Aabayaasha dhaley Labo Caruur.
Halkan ka dhegayso waraysiga
Caruur Gaajo iyo Macaluul ugu geeriyootey magaalada Luuq
Aweye rshinki tirada badna oo bakool la geyeey . Midda kale Luq dowlada maxa ay ugu firsanaowhayas dhibkan Alleh ayaa dhib dhame ahe .
Comments are closed.