Gudoomiyayaasha Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka oo Maanta Shir Uga Furmay magaalada Kambala

1
90

barlGuddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia Jeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda tababar ugu furay guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka, ku xigeennadooda iyo hab-dhowrayaasha baarlamaanka.

Munaasabadda furitaanka tababarkan sare oo ka dhacday hoteelka Grand Imperial ee Kampala ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay baarlamaanka Uganda iyo hay’adda AWEPA oo tababarkan fududeysay.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyay geerida, Maxamed Maxamuud Seey-seey oo ka mid ahaa howl-wadeennada baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhaawacmay weerarkii  lagu dilay xildhibaan Xayd.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in tababarkan uu hor-dhac u yahay tababarro ay Kampala ku qaadan doonaan xildhibaannada inta lagu jiro fasaxa baarlamaanka si aqoontooda sare loogu qaado, isagoo mahd u celiyay hay’adda AWEPA oo fududeysay tababarka iyo weliba baarlamanka Uganda.

 

 

Daafeet.Com

 

1 COMMENT

  1. Allah maxa ay been isu shegeen marki Kampala tababarka logu furayo maxa Muqdisho uu diey in logu furo<Nidama dalaka uu egasan kuwi laga rabey iney fuliyaan ayaga ku tumanayo.Waxano kale Dowladnimo war is casila wadanka ma mateli kartiine. Kampala idinka iskama lahidiine.Kampala Muqdisho ma gartee Dollar hotelada kampala lagu bixinayo Somaliya hoteladeeda uu bahane edebdarada ka daaya Dalka.

Comments are closed.