Ra’sulwasaaraha oo Ka Hadlay Falkii Shalay Ka Dhacay Magaalada Bosaaso

0
84

cabdi weli shRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay degmada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo ay ku dhinteen Taliyahii Qaybta Booliska gobolka Bari ee Maamulka Puntland iyo Taliyihi ilaalada canshuuraadka beriga ee gobolka Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy Madaxda iyo Shacabka Puntland, Wuxuuna ku dhiira geliyay laamaha Amniga Puntland inay sii xoojiyaan dadaalka ay ku sugayaan amniga deeganadooda.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu ay si buuxda ula garab taagan tahay Maamulka Puntland dadaallada ay ku adkeynayaan ammaanka deegaannada ay ka taliyaan, si meesha looga saaro haraadiga cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.

 

 

Daafeet.Com