Ciidamada Amisom oo Maanta Qarax Lagula Beegsadey Degmada Marka

0
72

amisQarax aad u weyn ayaa lala beegsadey gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM qaraxaas oo ka dhacay xaafadda Ruusiya oo ka tirsan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxan oo ahaa mid jidka dhinaceeda lagu qariyay ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada AMISOM, isagoo bur-bur xooggan gaarsiiyay gaariga, balse lama oga khasaaraha ciidanka kasoo gaaray qaraxan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marka ayaa warbaahinta u sheegay inay ku dhimatay haweeney ka mid ahayd dadka xaafadda Ruusiya, balse aysan jirin qof kale oo shacab ah oo wax ku noqday qaraxa.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxan, isagoo ka mid noqonaya qaraxyo dhowr jeer ciidamada AMISOM lagula eegtay deegaannadii laga qabsaday Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan weli AMISOM ka hadlin qaraxa maanta ciidamadooda lagula eegtay degmada Marka.
Daafeet.Com