Wararka aan Saakay ka heleyno Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Ciidamada DFS ay gudaha Degmadaasi ku toogteen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa Kuxigeenka Taliyaha Sirdoonka Al-shabaab ee Gobolada Banaadir iyo Shabellaha Dhexe waxa uuna booqasho ku joogay xiliga la dilaayay Degmada Heliwaa. Horjoogaha lagu Dilay Degmada Hiliwaa gaar ahaan Xaafadda SOS ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nuur Baraxoow, waxa uuna ahaa isku xire weyn Al-shabaab ah sida Dowladu sheegtay.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay heleen Xog sheegeysa in Nuur Baraxoow uu Degmada Hiliwaa ku sugan yahay sidaana Howlgalka lagu dilay lagu Fuliyay. Sidoo kale, waxa uu Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Horjoogahaan uu Dagaalamay oo Ciidamada uu iska Difaacay kadibna Ciidamada Nabadsugida ay Toogteen. Kooxda Alshabaab ayan weli ka hadlin Dilka ay sheegtay in DFS ay ku fulisay Sarkaalkaani Xilalka Muhiimka ah u haayay Alshabaab.