Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka qeyb galay Shirkii Madaxda Afrika iyo Mareykanka oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay Dalkaasi Mareykanka.
Madaxdweynaha waxa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada,Qeybaha kala Duwan ee Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxdweynaha oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa ka warbixiyay Safarkiisa Dalka Mareykanka, waxaana uu sheegay in dhanka Soomaaliya guulo waaweyn ay kasoo hooyday shirkaasi.
Muhiimada shirka wuxuu ku sheegay inay aheyd labo qodob oo kala ah horumarinta Xiriirka Africa iyo sida Mareykanka door uu uga qaadan karo horumarka dalalka Africa.
Daafeet.Com